Deg deg: Tiger Shroff filimkiisa Baaghi 2 wuu ka fogaaday inay filimka 2.0 isku dhacaan iyo xiliga la daawanayo

Tiger Shroff’s Baaghi 2 avoids clash with Rajinikanth’s 2.0, prepones release to March 30

Young Hero Tiger Shroff filimkiisa weyn Baaghi 2 ayaa hada si rasmi ah loogu dhawaaqay in laga badalay xiligii la daawan lahaa oo ahayd marka hore 27 April 2018.

Tiger Shroff filimkiisa Baaghi 2 haatan hal bil ayaa lasoo hormariyay daawashadiisa waxaana tiyaatarada la saari doonaa 30 Maarso 2018.

Soo saare Sajid Nadiadwala wuxuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray “Isku diyaari dagaalka Baaghi 2 oo bilaaban doono 30 Maarso 2018”

Soo saare Sajid Nadiadwala ayaa qaatay go’aanka saxda ah madaama uu ka fogaaday inuu loolan la galo filimka Hindiya ugu weyn mashruuc ahaan 2.0 oo la daawan doono 27 April 2018 waxaana hogaamiyaal ka ah Superstar Rajinikanth iyo Akshay Kumar.

Kangana Ranaut filimkeeda Manikarnika: The Queen of Jhansi isagana lama ogo inuu taariikh 27 April ka guuri doono madaama Baaghi 2 uu taariikhdaas 2.0 u dhaafay weyna ku qasban tahay Kangana filimkeeda inay dib u dhigato ama daawashadiisa soo hormariso madaama 2.0 dadka tiyaatarada iska leh iyo kuwa cajaladaha kaliya rabaan in 2.0 meesha loo baneeyo.

F.G: Horey 30 Maarso waxaa loo sheegay filimka Sanjay Dutt noloshiisa looga hadlaayo ee Ranbir Kapoor hogaamiye ka yahay la daawan doono, laakiin hada lama ogo sida arinka noqon doono in Ranbir iyo Tiger Boxoffice-ka ku dagaalami doonaan ama Baaghi 2 in lo dhaafi doono taariikhdaa.