Dhalasho Wacan Atiriishada Bollywoodka Qabsatay 2018 Tanushree Dutta Iyo 3 Oraah Xidigtaan Laga Diiwan Galiyay!!!

Tanushree Dutta waa mid kamid ah atiriishooyinka Bollywoodka taaso kasoo muuqatay aflaamta sida Dhol, Ashiq Banaya Aapne, Good Boy, Bad Boy, Bhagam Bhag iyo kuwa kale waxay maanta si rasmi ah u jirsatay 35 sano.

Waxay dhalatay maanta oo kale 19 Maarso sanadkii 1984 sido kale sanadkii hore 2018 ayee hadal heynta Bollywoodka la wareegatay maadama Ragg uu kamid yahay Nana Patekar anshax xumo hada kahor kula kaceen atiriishadan.

Hadaba munaasabada dhalashadeeda aawged waxaan idiin soo bandhigeynaa 3 oraah laga diiwaan galiyay kuwaaso ay ka hadashay arimo badan fadlan hoos kaga bogo..

1-Wax walbo noloshaada gaarka ah inaa ka cabsatid ma ahan nolosha marwalba wax cusub ayaa kusoo kordhaan maadama ilbaxnimada xili walba is bedesho sidaa aawged waa inaad aqbasha midaan oo noloshada horey usocod siisa ogowna waligaa ha cabsan hadii aadan qalad sameynin.

2-Baraha bulshada waa goobta ugu fiican ee maant xog walba lagu kala gudbisado waxaa nasiib daro ah dadka iyagoo baraha bulshada isticmaalaan ayee hadana runta ka hadli karin oo maxaa u isticmaasha baraha bulshada hadii aadan xaqiiqada ka hadli karin iyo dhibka markaas jiro aniga waxaan ahay oqf aan u badneen baraha bulshada sidaa aawged Tv-yada ayaan wareysi badan siiyay ogow dhacdo walba hore u dhacday maxan hada oga hadlaa hadhihin naftada adiga ayaa dib dhigi karo isla adiga ayaa hadana hormarin karo.

3-Gabdho yeesan idiin cabsi galin caga jugleenta Ragga anshax xumada idiin kula kalacay si aydan dadka hortooda oga sheegin dhibkiina fadlan cabsida iska saara Tv-yada iyo baraha bulshada ka sheega dhib walba oo ay Ragga idiin geesteen ha noqdaan iyaga kuwa cabsada.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…