Dhalasho Wacan Deepika Padukone Iyo Sawirada Xasuusta Yaraanteda Ah Wax Ka Baro Deepika Oo Yar!!

Atirishada ugu awooda badan Bollywood-ka xiligan Deepika Padukone ayaa maanta u dabaal dageyso sanad guuradeeda 33-aad waxayna dhalatay 5 Jan 1986 waxayna si rasmi ah u jirsatay 33 sano cimri ah.

Deepika waxay leedahay awood u gaar ah marwalbo oo shaashada kasoo muuqato xitaa awoodeeda qaab jilin ahaan waxay ku hareysaa atoorayaasha ama atirishooyinka filimada la jilayaan.

Xidigtaan ayaa maanta u dabaal dageysa sanad guuradeda 33-aad waana gabar gudaha India iyo daafaha caalamka aad looga jecelyahay waxayna hader ku guda jirtaa waqtigedi ugu wacnaa ayadoo shacbiyad balaarana ku leh baraha bulshada waxana lagu tilmama boqorada baraha bulshada

Mudada 11-ka sano oo ay Deepika Bollywood-ka ka tirsan tahay waxay sameesay aflaam badan oo ay amaan lixaad leh ku muteesatay ganacsi waali ahna sameyeen mana la ilaawi doono filmadaas.

Hadaba maqaalkan waxaan kusoo bandhigeen sawirada Deepika u gaarka ah kuwaso ka turjumayaan yaraanteda horey ayaan idiin kula wadaagnay macluumad badan oo xidigtaan kusaabsan.

Markaana waa in aad wax ka barata Deepika muuqaalkeda yaraanteda ahaa iyo waalidiinteda oo ay waqti la qaadaneysay halkaan hoose ka daawo sawirada xasuusta munaasabada dhalashadeeda laga soo bandhigay.

Deepika 1Deepika 2Deepika 3deepika-padukone-during-her-childhod-with-father-prakash-padukone-and-mother-ujjala-201601-647210deepika-padukone-riding-bicycle-during-childhood--201601-647214

 

deepika-padukone-with-father-prakash-padukone-mother-ujjala-and-sister-anisha-201601-647212

deepika-padukone-with-her-childhod-friends-201601-647215deepika-padukone-with-her-father-prakash-padukone-201601-647211Deeppp