Dhalasho Wacan Vidya Balan Atirisho Qaab Jiliinka Kaaga Dhabeyneso Iyo Sheeko U Qaas Ah Xidigtaan!!

 

Vidya Balan waxay maanta u dabaal dageysa dhalashadededa maadama ay dhalatay maanta oo kale 1 Jan 1979 hadana waa 40 jir xidigtaan maqaam sarena ka gaarty fanka hindiya Hadaba waxaan idiin heynaa sheekadii dhexmartay Vidya iyo ninkii Selfie-ga rabay inuu la galo  xidigtaan:

Atirishada Vidya Balan fanka Hindiya maqaam sare ayay ka gaartay sidoo kalena waa atirisho siweyn loo jecel yahay balse sanadii 2017 dhacdo  ka  careysiisay ayay la kulantay oo aysan ilaawi doonin abid.

Vidya Balan, filim soo saare Mahesh Bhatt iyo Director Srijit Mukherj oo filimka Begum Jaan u sameeyay sedexdooda waxay u wada duuleen magaalada Kolkatta si ay filimkooda xayeysiin halkaas ugu sameeyaan.

Hadaba Vidya Balan markii ay Airport-ka Kolkata gudihiisa ku sugneyd nin aysan aqoonin aya ka dalbaday sawir Selfie ah inay la gasho Vidya Balan oo tixgaliso taageerayaasheeda ayaa ka aqbashay ninkii aysan aqoonin codsigiisa ahaa inay Selfie Picture la gasho, Ninkii wuxuu sameeyay Vidya Balan ayuu gacantiisa garabka saartay!

Vidya Balan waxay dhahday “Gacanta iga qaad diyaar ayaan u ahay inaan Selfie kula galo” Ninkii ayaa gacanta Vidya Balan ka qaaday garabkeeda hadana wuxuu saartay gacantiisa dhabarkeeda!”

Wuxuuna isku dayay inuu sawirka Selfie-ga qaado laakiin Vidya ayaa ku gacan seertay waxayna tiri “Waad iga careysiisay, waxaadna sameesay ficil qalad ah mana kula galaayo Selfie Picture!!”

Kadib Vidya Balan maamulaheeda ayaa ninkii la hadlay sidoo kalena ku amray inuu goobta isaga tago madaama uu garan waayay ixtiraamka iyo soo dhaweynta ay Vidya Balan markii hore u fidisay.

Vidya Balan oo la hadleesay shabakada Spot Boye waxay tiri “Marka qof aadan aqoonin gacantiisa ku saarto ragg iyo dumar midkii uu doono ha ahaado, ma dareemeysid qanacsanaan iyo wanaag, waayo waxay xad gudub ku sameeyeen noloshaada gaarka ah”

“Waxaan nahay astaan dadka ka dhaxeyso laakiin ma nihin hanti ama raasumaal dadka leeyihiin hadii aan nahay jilaayaal!!!”