Dhalasho Wacan Vidya Balan Iyo 3 Door Xujada Ku Noqdeen Intee Fanka Kujirtay Iyo Sidee Kaga Baxsatay Doorarkaas!!

Vidya Balan maanta waa maalinted maadam ay u dabaal dageyso xaflada dhalashadeda xidigtaan waxayna jirsatay 40 sano sidaa awged waxaan idiin la wadaagena macluumaad walba oo xidigtaan ku saabsan.

Atirishadan qaab jiliinkeda ayee ku hanatay tiro 4 jeer ah inee ku guulesato abaal marinta Filmfare qeybta atirishada ugu wanaagsan oo xiliyo kala duwan la gudoonsiyay qaab jiliinkeda heerka sare ah aawged.

Waa run Vidya in aysan awood weyn ku leheen dhanka Box-office-ka maadama filmadeeda guul dareestaan inta badan balse waxaa xaqiiq ah in aan xidigtaan lagu gaari karin dhanka doorka ka dhabeentisa oo xitaa hader iyadoo 40 jir ah ayee shaashada kula tartami kartaa atirishooyinka 20 jirka ah.

Sido kale waxay nasiib u yeelatay inee la shaqeyso xidigo caan ah oo sida Akshay Kumar, Amitabh Bachchan iyo kuwa kale oo ay shaashada kala soo muuqatay hada kadibna dabcan wey lasii shaqeen doontaa kuwa kale.

Hadaba waxaan idiin heynaa sedex door ay oo xidigtaan ku fara yareesatay qaab jilin ahaan shaashadana kaga dhabeysay muuqaal ahaan inee doorarkaas isku ekeysiiso in badana lagu amaanay doorarkas.

Abaal marino kala duwan ayee ku qaadatay xidigtaan doorarka kala ah Kahaani, The Dirty Picture iyo waliba Bhool Bhulaiyaa oo xujo cad ahaayeen atirisho walbana Challenge-gan kama bixi karto balse Vidya muuqaalkeda iyo jiliinba wey ku farayareesatay sedexdaan mashruuc.