Home ARRIMAHA BULSHADA Dhaqamadaan guurka yaab inta dhaafeen ayaad la argagaxi doontaa qaarkoodna qosolka ayay...

Dhaqamadaan guurka yaab inta dhaafeen ayaad la argagaxi doontaa qaarkoodna qosolka ayay kaa dhameyn doonaan. Qeybtii 2aad.

 

 

Guurka waa midow lawada yaqaano kaasoo si sharci ah u kulminaayo lamaane nin iyo naag ka kooban wuxuuna badanaa wataa dhaqamo iyo caadooyin kala gadisan iyadoona guurka uu bulshooyinka aduunka dhexdooda ku leeyahay ahmiyad weyn

Filimside waxay markasta u taagantahay in akhristayaasheeda dhacdo kasta ka haqab tirto sidaas owgeed waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa qeybtii 2aad qaar kamid ah dhaqamada ugu yaabka badan ee dadyowga aduunka guudkiisa saaran sameeyaan.

 

7-Indonosia waxaa dhaqan iyo caado u ah in aroosada aan loo ogoleyn maalinka arooska iney lugaheeda dhulka taabtaan gaar ahaan marka laga soo galbinaayo guriga aabaheeda.

Sidaas owgeed aabaha gabadha dhalay waxaa ku qasab ah inuu gabadhiisa dhabarka kusoo xambaaro si kasta oo ay u buurantahay masaafadana u dheertahay.

 

8-Dadyowga ku nool Jaziirada Java ee Indonosia ku taalo waxaa dhaqan iyo caado u ah in arooska uu keeno 25 dib dooli (jiir) ah si uu u helo rukhsada guurka hadii kale looma ogolaanayo inuu guursado waligiis.

Dhaqankaan waxaa jideeyay nin xaakim ahaa oo Jaziiradaas u talin jiray waxaana u sabab ahaa dooliga oo jaziirada aad ugu badnaa isla markaasna wax soo saarka  beeraha siiba bariiska eber ka dhigay.

Sidoo kale gabadha waxaa laga rabaa in ay arooska cagaha u dhaqdo si ay u muujiso iney diyaar u tahay in ay u khidmeyn doonto ninkeeda inta ka dhiman nolosheeda.

 

9-Mid kamid ah qabiilooyinka hindiya kahor inta aysan guursan gabadha waxaa laga rabaa marka hore iney guursato geed ama eey mudo sanad kaamil ah kadib ayaa loo ogolaanayaa iney banii aadam guursato.

Hadii dhaqankaas sameyn weyso oo ay guursato ninkeeda wuxuu kaga dhimanayaa mudo sanad ah.

 

10-Scotland dadka dagan waxaa dhaqan iyo caado u ah in gabadha aroosada ah lagu raro qashin nooca ugu urka badan ukumo qurmayna waa lagu kor jabinayaa.

Ujeedka laga leeyahay ayaa waxay tahay in aroosada hadii ay u dulqaadato urkaas waxay diyaar u tahay iney u dulqaadato culeyska ninkeeda iyo gurigeeda.

Sidoo kale waxay aaminsanyihiin in sameynta falkaan uu gabadha qaraabadeeda ka ilaalinayo wixii shar ah.

 

11-Caadooyinka Muurataaniya waxaa kamid ah in gabadha kahor guurka is cayiliyaan waxaana u sabab ah in cayilkaas uu fursada guurkeeda kor u qaadayo.

Muurataaniya gabdhaha ugu cayilan waa kuwa loogu doonis badanyahay.

 

12-Koonfurta hindiya qabiilo dagan waxaa caado u ah in wiilka iyo gabadha kahor guurka kaligood is raacaan iyagoo duurka galaayo.

Kadib gabadha ayaa dab shideyso waxayna dhabarka ka feereyneysaa wiilka.

Hadii uu xanuunkaas u dul qaato wey guursaneysaa balse haduu u dul qaadan waayo ma guursaneyso taas badalkeeda qabiilka dhexdiisa ayay ku fadeexeyneysaa.

La soco qeybta 3aad.




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...