Home ARRIMAHA BULSHADA Dhaqamadaan guurka yaab inta dhaafeen ayaad la argagaxi doontaa qaarkoodna qosolka ayay...

Dhaqamadaan guurka yaab inta dhaafeen ayaad la argagaxi doontaa qaarkoodna qosolka ayay kaa dhameyn doonaan. Qeybtii 3aad. Somalia ayaa qeyb ka ah.




Guurka waa midow lawada yaqaano kaasoo si sharci ah u kulminaayo lamaane nin iyo naag ka kooban wuxuuna badanaa wataa dhaqamo iyo caadooyin kala gadisan iyadoona guurka uu bulshooyinka aduunka dhexdooda ku leeyahay ahmiyad weyn

Filimside waxay markasta u taagantahay in akhristayaasheeda dhacdo kasta ka haqab tirto sidaas owgeed waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa qeybtii 3aad qaar kamid ah dhaqamada ugu yaabka badan ee dadyowga aduunka guudkiisa saaran sameeyaan.

13-Mid kamid ah qabiilooyinka shiinaha daga waxaa dhaqan iyo caado u ah in gabadha geed fuusho.

Kadibna waxaa isku imaanayo qoysaska doonayo gabadhaas in wiilkooda ku daraan iyagoo ulo wato.

Kadib wiilasha guurka rabo waxay ku tartamayaan cidii geedka fuuli laheyd oo gabadha gacanteeda qabsan laheyd.

Qoysaskana waxay ku dadaalayaan in wiilkooda gacan ku siiyaan fuulista geedka sidoo kalana waxay wiilasha kale u diidayaan in geedka fuulaan.

Tartanka qofkii ku guuleysta oo gabadha gacanteeda qabsada ayaa gabadhaas guursanaya.

14-dadyowga Irishka ah uma ogola gabadha aroosada ah in cagaheeda dhulka ka qaado iyagoona aaminsan hadey sidaas sameyso in jiniyada dafayaan aroosada.




Sababta ay sidaas u qabaan ayaana waxay tahay in ay aaminsanyihiin in gabadha aroosada tahay shakhsiga waqtigaas aduunka ugu quruxda iyo bilicda wanaagsan sidaas owgeed looma ogola in cagaheeda dhulka ka qaado si jinniga u dafin.

15-Mid kamid ah qabiilooyinka afrika dagan waxaa dhaqan u ah in xiliga arooska gabadha carabka laga duleeliyo kadibna xarig looga xiro.

Xarigaas waxaa loo dhiibayaa wiilka arooska kadibna wuxuu dhageysanayaa sheekada gabadha.

Hadii uu u bogi waayo xariga ayuu jiidayaa si uu u aamusiyo.

16-Mid kamid ah jaziiradaha aasiya ku yaalo dadka ku nool waxaa dhaqan iyo caado u ah in wiilasha jaziirada saf galaan kadibna caloosha u jiifsadaan gabadhana wado u noqdaan.

Kadib gabadha ayaa dhabarkooda ku soconeyso ilaa ay ka tageyso goobta xaflada.

17-Wadanka Burma waxaa caado u ah in gabadha aroosada ah dhagaha laga tolo iyadana mudadaas xanuun dartiis qeylo yeerto balse cid maqleyso ma jirto waxaana u sabab ah codka muusikada oo cirka lagu shareeraayo.

18-Soomaalidii hore waxaa dhaqan iyo caado u ahaan jirtay in arooska uu aroosada six un u garaaco asigoona feer iyo jilib kala daalayo si uu u muujiyo inuu yahay masuulka guriga looga dambeeyo.




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...