Home ARRIMAHA BULSHADA Dhaqamadaan guurka yaab inta dhaafeen ayaad la argagaxi doontaa qaarkoodna qosolka ayay...

Dhaqamadaan guurka yaab inta dhaafeen ayaad la argagaxi doontaa qaarkoodna qosolka ayay kaa dhameyn doonaan.

Guurka waa midow lawada yaqaano kaasoo si sharci ah u kulminaayo lamaane nin iyo naag ka kooban wuxuuna badanaa wataa dhaqamo iyo caadooyin kala gadisan iyadoona guurka uu bulshooyinka aduunka dhexdooda ku leeyahay ahmiyad weyn




Filimside waxay markasta u taagantahay in akhristayaasheeda dhacdo kasta ka haqab tirto sidaas owgeed waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa qaar kamid ah dhaqamada ugu yaabka badan ee dadyowga aduunka guudkiisa saaran sameeyaan.

1-Meelo kamid ah shiinaha waxaa dhaqan u ah in wiilka iyo gabadha eheladooda marka hore kulmaan iyadoo arooska iyo aroosada is arkin, hadii labada ehel isku waafaqaan waxay ehelka gabadha sameynayaan gabadhooda ayay diyaarinayaan weyna u labisayaan iyagoona kadib ku ridaayo sanduuq weyn kaasoo ay kor uga qufulayaan.

Kadib ehelka ayaa sanduuqa gabadha ku jirto soo qaadayo waxayna u keenayaan ehelka wiilka ka dhashay iyagoona arooska ku wareejinaayo furaha sanduuqa wuxuuna wiilka noqonayaa qofka ugu horeeyo ee gabadha arkaayo.

Hadii wiilka gabdha cajabiso arooska isla meesha ayuu ka dhacayaa hadii ay cajabin weysana ehelkeeda ayaa dib loogu celinayaa.

2-Caadooyinka wadanka Guena waxaa kamid ah in gabadha iyadoo qaawan barkad biyo ah la dhex galinaayo dhalintana wey usoo daawasho tagayaan.

Wiilkii gabadhaas ka helo wuxuu usoo taagayaa gobol maro ah oo astaan u ah inuu gabadhaas ka helay hadii ay gobolkaas marada ka qaadato oo ay ku labisato isla goobtaas ayay xaaskiisa ku noqoneysaa.




3-Wadanka Malawi wiilka iyo gabadha inta aysan is guursan kahor waxaa lawada dajinayaa hal guri iyagoona ku noolaan doonaan mudo 2 sano ah mana is taaban karaan mudadaas.

2 sano kadib hadii gabadha ay ka heli waayso wiilka dabeecadiisa  guriga ayay kasoo burineysaa.

4-Mid kamid ah qabiilooyinka hindiya waxaa caado u ah in gabadha ay guur guurasho bilowdo iyadoo wiilkana uu daawanayo waxayna ku guur guuraneysaa gacmaheeda iyo jilbaheeda.

Gabadhaas guur guurashada ma joojineyso ilaa uu wiilka uga barakeeyo.

Barakeyntaas ayaa waxay tahay inuu lugtiisa madaxa u saaro markaas ayay guur guurashada joojineysaa xaaskiisana noqoneysaa.

5-Mid kamid ah qabiilooyinka afrika daga waxaa caado u ah in Arooska uu aroosada timaha kasoo jiido.

Wuxuu ugu tagayaa gurigeeda asigoona madaxa iyo timaha isku soo qabanaya wuuna soo jiidayaa ilaa uu keeno goobta xaflada arooska ka dhacaayo.

6-Jaziiradaha Hawai ku yaalo mid kamid ah dadka dagan waxaa caado u ah in gabadha meherkeeda laga dhigo dooli .

Tirade dooliyaasha uu meher uga dhigaayo arooska aroosada waxay ku xirantahay quruxda gabadha.

Taas micnaheeda wuxuu yahay markasta oo gabadha qurux badantahay markasta oo dooliga la badinaayo.

 

La soco qeybta 2aad oo xiiso leh




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...