Dharmendra “Maanta qof walbo oo aan u waco diyaar ayuu u yahay inuu ila shaqeeyo”

Maanta waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska filimka weyn Yamla Pagla Deewana Phir Se oo ay hogaamiyaal ka yihiin Dharmendra, Sunny Deol iyo Bobby Deol.

Haddaba ruug cadaa Dharmendra saxaafada ayaa weydiisay sida ay ugu suura gashay in filimka YPD Phir Se isugu keeno hal hees oo ku jirto jilaayaasha caanka ah Salman Khan, Rekha iyo Sonakshi Sinha.

Dharam wuxuu yiri “Maanta qof walbo oo aan u waco diyaar ayuu u yahay inuu ila shaqeeyo waayo qoyskeena reer Deol ahaan sumcad ayaan Bollywood-ka ku leenay dadkana oo dhana wey na jecel yihiin”

Dharam oo hadalkiisa sii watay wuxuu yiri “Salman waa wiilkeyga oo kale sidoo kalena waa bini aadan aad u qalbi wanaagsan waxaana naga dhaxeeyo is fahan wacan qoys ahaana waan isku dhow nahay marka wax culees ah malaheyn inu filimkeena muuqaal marti ah ku yeesho”

Dharam oo ka hadlaayay la shaqeynta Rekha wuxuu yiri “Rekha waa saaxiib igu weyn aflaan badana aan wada sameenayo marka aan u yeernay inay heeska Rafta Rafta nala sameyso si dhaqsi ah ayay ku aqbashay”

Dharam wuxuu Sonakshi Sinha ku tilmaamay gabadhiisa oo kale wuxuuna yiri “Sonakshi waa gabadheyda oo kale waayo aabaheed ayaan saaxiibo nahay sidoo kalena qoyskeyga ayay kaga mid tahay, sida guud cid diideyso ma jirto inuu reer Deol la shaqeeyo ileen wanaag iyo xushmad ayaa noogala bartay”

Filimka YPD Phir Se waxaa la daawan doonaa 31 Aug 2018 waana filim mada daalo dhameestiran leh, fadlan markale goos gooskiisa hoos ka daawo: