Dhiig Ayaa Daatay Mohit Waxuu Shivaay Ku Eedeyay Dilka Nancy Xalqad Xamaasad Weyn Leh!!

Maalmahan waan ka dib dhacnay inaan sii wadno musalsalka caanka ah ee Ishqbaaaz ee meel xasaasiyad ah maraayo xalqadii hore waxay inoo joogtay Shivaay oo cabsan inuu garab ka helaayo Nancy xili uu dhac dhacaayo hadaba halkaas ayaan kasii amba qaadeena.

Shivaay subaxii waxuu soo kacaa isago dharkiisa iyo qolkiisa oo wada dhiig ah aktiisana ay taalo Nancy oo meeyd ah arin naxdin leh ayaa Shivaay kusoo kordheeso wax uu sameeyo ayuu garan weynaa.

Mohit oo ah ninka qaba Nancy oo isagana habeenkii oodhan ay qamri wada cabayeen isaga iyo saaxiibkiisa Shivaay waxuu subaxii arkaa Shivaay oo naxsan jirkiisa dhiig wada yahay kaaga daran markuu qolkiisa galo waxuu arkaa Nancy oo meeyd ah meeshana taalo Mohit wuu qeylinaa dadkii oodhan ayaana isku soo baxayaan Mohit waxuu eedena in Shivaay xaaskisa dilay balse Shivaay wuu is difaaca waxuuna sheega in uusan dilkaan geysanin balse shirqool tahay uusana waxba ka ogeyn.

Anika oo ah xaaska Shivaay ayaa iyadana dhankeeda isku dayeeso inee Mohit ka dhaadhiciso in uusan Shivaay qofna dili Karin sido kale qoyska oodhan ayaa Mohit u sheegayaan in uusan Shivaay dilaa ahen waxaana ka suurowin Mohit waxuu iyaga dhan u sheega in Shivaay saaxiibkiis qaaliga ahaa hada kahor xitaa uu xaaskisa u dharbaaxay isaga dartiisa balse hader uu dilaa noqday waxuuna Mohit ku shakina in Shivaay isku dayey inuu xoogo Nancy markii ay usuurto gali weysayna uu dilay.

Shivaay wuu is difaaca waxuuna u sheega saaxiibkis in uusan dilin xaaskisa balse marwalba ay ahed qof xad keeda soo gudbi jirtay waxaa goobta imaaneyso Bhavya oo ah askariyad qoyskana aqoon wanaagsan ka dhaxeysa, Bhavya ciidankeeda ayee ku amree in dhamaan qoyska oodhan ay ka qaadaan baaritaan faraha ah si loo ogaado qofka dilay balse Mohit waxuu sheega in qof aanan Shivaay ahen in uusan dilin maadama meydka qolkiisa laga helay isagana wada dhiig yahay sido kalena hada kahor isaga iyo Nancy wax ka dhaxeyeen.

Bhavya waxay Mohit usheege in uusan hadal u banaaneyn wixii hadal ahna uu maxkamada ka sheegayo waxay dhamaan u sheege in ay wareysi ka qaadeyso Waxay wareysiga ka bilaaw Mohit waxuu u sheega in isaga iyo Shivaay habeenkii oodhan qamriga wada cabayeen ayna u imaadeen haweenkoda kana diideen inee soo seexdaan waxuu kaloo sheega in Anika aaday qolka Gauri si ay useexato Shivaay wuu soo baxay ayuu yiri markaas ayaana miir iigu dambeyay mana ogi wixii dhexmaray Shivaay iyo Nancy waxuu kaloo Mohit hadalkiisa ku daraa in Shivaay ku waalna Nancy uuna damcay markee diidayna sidaas ku dilay.

Jhanvi oo ah xaaska Tej waxay Bhavya u sheege in Shivaay iyo Anika xiriirkoda wanaagsaneen mudadii u dambeysay hal sariirna wada seexanin dhamaan qoyska oodhan wareysiga markii laga qaado Shivaay-na is difaacayo waxaa lasoo wacaa Bhavya oo taliyaheeda ayaa soo wacaayo waxayna u sheege dhamaan qoyska oodhan qofna in uusan dibada usafri Karin inta uu baaritaanka soconaayo farihii laga qaadayna lasoo baari doono qaasatan waxay si gaar ah ugu digee Shivaay maadama isaga laga shakisanyahay waxay Shivaay u sheege Bhavya in uu dhamaan baajiyo ama joojiyo kulamada dibada ee ganacsigiisa gaarka ahaay uuna ka bixi Karin India gudaheeda.

Mohit goobta ayuu xanaaq kaga tagaa balse Shivaay ayaa ka dabal galaayo iskuna dayaayo inuu saxiibkiis wax fahamsiiyo una sheego in uusan dilkaan geysanin balse Mohit saaxiibkiis wuu kala tuura waxuuna u sheega in uu dili doono hadii uu usoo dhowaado waxuuna u sheega in wax walbo ka suurtowdo Shivaay haduu xanaaqo waxuu kaloo u sheega in isaga iyo xaaskisa Anika xiriir wanaagsan dhexmarin sidaa aawged uu jecel u qaaday Nancy markii ay diidayna uu dilay.

Mohit waxuu ku adkeesana go’aankiisa ah in Shivaay uu dilay Nancy xitaa hadii maxkamada soo deyso oo wax dambi ah lagu waayo waxuu Mohit wacad ku maraa in usan dhaafi doonin Shivaay oo uu dili doono kana aarsan doono dilka uu u geestay xaaskisa Nancy..

Lasoco Xalqada Dambe Shivaay Oo Police-ka Ka Cararaayo Xili Lagu Eedeyay Dilka….

1 Comment

Comments are closed.