Director David Dhawan Oo Ka Hadlay Geerida Kutimid Rugcadaa Kader Khan Oo Bollywoodka Murugo Ku Abuurtay!!

Halyeey Bollywood Kader Khan geeridiisa waa mid laga naxay shalay markii ay maqleen reer Bollywood iyo taageerayaashisa daafaha caalamka waxaana xusid mudan in jilaagan ay u duceyeen dhamaan muslim iyo gaal wixii aqoon u lahaayen.

Khan waxuu ku geeriyoday Cannada geeridiisana waxaa saxaafada ogeysiiyay wiilkiisa Sarfaraz waxaa la sheegay in neefta ku ceshantay maadama uu neefsiga kudhibana mudo 81 jir isago ah ayuuna geeriyoday Khan.

Waxaan horey idiin kula wadaagnay xidigaha kala ah Govinda iyo Raveena Tandon sida ay oga hadleen i=ogana xumaadeen geerida kutimid halyeeygan mid walbana goonidiisa oga hadlay markaana waa David Dhawan Director-kii filmada shactirada looga haray.

Waxaa xusid mudan in David Dhawan uu aflaam badan usameeyay sedexdaan xidig ee kala ah Kader Khan, Govinda iyo waliba Raveen Tandon aflaamta David Dhawan iyo Kader Khan ku midooweyn waxaa kamid ah.

Coolie No.1, Mujhse Shaadi Karoge, Haseena Maan Jaayengi, Sholay Aur Shabnam, Hero No.1, Aunty No.1, Bol Radha Bol, Dulhe Raja, Saajan Chale Sasural iyo kuwa kale oo badan..

David oo ka hadlaayo geerida Kader Khan waxuu yiri,”Waligey lama kulmin qof ka qibrad wanaagsan Kader Khan dhanka sheekada filmada 1992 markii ugu horeysay ee aan ku guda jira Bol Radha Bol waan la kulmay dulucda sheekada ayaan u aqriyay kadib waxuu igu yiri jooji howsha ma galnaa waa hadal aan ilaawi waayey yacni waxuu fahmay sheekada oodhan durba Kader Saheb kuma ilaawi doono waligey.”