Director Indra Kumar Oo Ka Warbixiyay Xaalada Filimka Hera Phera Qaybtiisa Sadexaad

kaliya maahan Director Rohitt Shetty inuu samayn karo aflaamta madadaalada ah sidoo kale Director Indra Kumar Waa mid kale kaaso si weyn u madadaaliya dadweynaha waxaana director kan lagu xasuusan doonan aflaamta u sameeyay sida Dil , Beta , Raja , Ishq, Iyo Taxanayaasha Dhamaal Iyo Mast

Director Indra Kumar waxaa dhawaan tiyaatarada loo saaray filimkiisa weyn ee Total Dhamaal kaaso hadda ku socda wadadii uu super hit ku noqon lahaa

laakiin Director ayaa dhawaan waxa uu warbixin ka bixiyay halka uu maraayo shaqada taxanaha hera phera qaybtiisa sadexaad kaaso isaga director looga dhigay

indra kumar oo arrintaas ka hadlaya ayaa waxa uu yiri” mashruuca hera phera qaybtiisa sadexaad waa mid uu qof walba uu I weydiinaayo sababtoo ah wad garan-kartaa sida uu qof walba u xiiseenaayo samaynta qaybtan sadexaad laakiin aniga waxaa dhawaan awoodeeda isugu geeyay diyaarinta aalada VFx ee filimka Total Dhamaal si ay dadka ugu raaxeystaan filimkan

laakiin waxaan dhawaan lasoo gaba-gabayn doona sheekada filimka hera phera qaybtiisa sadexaad kaaso aan ku talo jiro inan duubistiisa bilaabo sida ugu dhaksiyaha badan inta sanadkan lagu guda jiro maadama kaliya loo xayiran yahay dhamaystirka sheekada filimkan”