Director Indra Kumar oo xaqiijiyay in filimka Classic ah Dil qayb labaad laga sameenayo

Filimka Blockbuster-ka ah Dil sidoo kalena aan marnaba daawashadiisa laga xiiso dhigeyn kana dhigay Aamir Khan iyo Madhuri Dixit labo xidig oo aad badan ayaa haatan shaaca laga qaaday 29-sano kadib in qayb labaad laga sameyn doono waana arin hadal heyn xoogan abuurtay.

Director Indra Kumar ayaa si rasmi ah u sheegay in Dil qaybtiisa labaad sameynteeda ku hawlan yahay sidoo kalena qorshaha yahay in qaybta labaad loo bixiyo Dil Again sidoo kalena dhalinyaro fanka ku cusub ama da’dooda 30-sano sare u dhaafin oo haatan fanka ku jiraan ayaa qaybta labaad hogaamiye looga dhigo.

Director Indra Kumar haatan wuxuu ku hawlan yahay xayeysiin u sameynta filimkiisa Total Dhamaal oo 22-ka bishan Febraayo la daawan doono waxaana wada jilayaan Arshad Warsi, Javed Jaffrey, Riteish Deshmukh, Ajay Devgn, Madhuri Dixit iyo Anil Kapoor.

Sidoo kalena Indra Kumar dhamaadka sanadkan wuxuu duubis ku bilaabi doonaa filimka Hera Pheri 3 qaybtiisa sedexaad oo masuul isaga looga dhigay waxaana wada jilayaan Akshay Kumer, Suniel Shetty iyo Paresh Rawal.

Sidaa darteed Indra Kumar wuxuu banaanka soo dhigay in Dil Again la sameenayo balse sheekadiisa qoraal ahaan dhameestiran tahay dhawaana lagu dhawaaqi doono hogaamiyaasha sameyn doonaan filimkan jilaa walbo jeclaan lahaa qaybtiisa labaad inuu sameeyo.

F-G: Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Click kusii hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Xitaa haddii qoraalka uusan ku xiiso galineyn fadlan xayeysiinta Click noogu sii midaas ayaa muhiim noo ah anagana abaal ayaan kaaga heynaa.

Warbixin walbo xayeysiin ayay wadaata nagu caawi xayeysiimaha kala duwan inaad halmar Click ku siisid

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*