Director Rohit Shetty Xitaa Tallada Wuxuu La Wadaa Kuwa Shaaha U Keenaan Sheeko Cajiib Badan Oo Filimka Chennia Express Taabaneyso!

Filmsameye Rohit Shetty oo ah filmsameyaha waqtigaan ugu awooda badan Bollywoodka maadmaa aflaamtiisa Action-ka ah si heer sarre ah daawadayaasha kaga heleen soo dhaweyn fiicana la siiyay.

Rohit waa shaqsi dabci wanaagsan sida ay ku amaanaan shaqsiyaadkii la shaqeyeen dhaamantod waa qof aan isla weyni kujirin mana ahan qof xukun badan iyo talladeyda kaliya soconeysa qof dhaho.

Taasi waxaan idiin kaga heynaa sheeko uu xidigaan shaaca ka qaaday intii uu ku guda jiray howsha filmkiisa Blockbuster-ka noqday ee Chennai Express kaaso la daawaday 2013 sido kalena SRK iyo Deepika hogaamiyaha ka ahaayeen.

Intii uu xayeysiinta filmkaan uu ku guda jirayf waxaa dhacday in uu muuqaalo kamid ah mashruucisa uu diyaariyo si dadka hordhac ahaan loogu bandhigo isagoo ku xayeysiinaya filmka goobaha lagu duubay, jilayaasha iyo muuqaalo filmka kamid ah (Promo).

Balse howshas ay diyaariyeen waxaa dhaliilay misane ka helin mid kamid ah wiilasha xafiiskiisa ka shaqeyaan ee shaaha u keenaan waxuuna u tilmaamay in habka ay muuqaalka isugu duba dareen uu mid soo jiidasho ah eheen balse ay bedelaan mid horlehna diyaariyaan.

Rohit oo ka sheekeynaayo arinkaan waxuu yiri,”wiilka xafiiskeyga ka shaqeya ee shaaha ii keena ayaa arkay ama daawaday muuqaalo aan ku xayeysiineyno filmka (Chennai Express) kamana uusan helin howshaas sidaa aawged isla hebeenkii ayaa diyaarinay muuqaalo horleh aan ku xayeysiineyno filmka (Promo).”

Dabcan Rohit waa shaqsi tallada la wadaga xitaa shaqaalihiisa shaaha ugu keenaan xafiiskiisa taasi oo kuu muujineysa inuu yahay shaqsi aan isla weyni kujirin tallo walba oo wanaagsana soo dhaweyo had iyo jeer.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…