Don 3 : war xun ayan u sidaa taageerayaasha aktarka Shah Rukh Khan oo ku saabsan filimka don qaybtiisa sadexaad

aktarka bollywoodka shah rukh khan ayaa  dhawaanahan waxaa si weyn loo hadal-haayay inuu goor dhow samayn doono taxanihiisa caan ka ah ee don qaybtiisa sadexaad

maadaama aktarkan uu hadda dhexda kaga jiro waayo aan qurux badnayn isagoo aflaamtiisa ugu dambeeyay ay noqdayn kuwa fashilmay kaaso aysan soo dhawayn taagerayaashiisa sida aflaamta kala ah zero , jabb harry met sajal , raees , fan iyo dilwale

aktarkan ayaa waxa markan looga fadhiyay inuu boorka iska jafo sidoo kalena la yimaado filim wacan laakiin hadda waxa ay midaas u eg-tahay mid aan dhici doonin

hadda waxaa soo baxaya warar sheegaya in dib loo dhigay samaynta don qaybtiisa sadexaad kaaso xitaa aan dhawaanahan la qorsheenaynin in la bilaabo duubistiisa sababtoo weli waxaa la qoris ay ku socota sheekada sidoo kale director filimkan ninka lagu magacaabo farhan akhtar

kaaso isagana dhawaan waxa uu saxiixday filimka looga hadlaayo nolosha sports kaaso lagu magacaabo toofaan

halka shah rukh khan isagana uu si ogaa arrintan inaysan dhawaan dhici doonin sidaas darteed shah rukh khan waxa uu mar hore saxiixday samaynta filimka looga hadlaayo nolosha rakesh sharma

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*