Eey sabab u noqday dab weyn oo qabsaday Yahuuda.

 

 

Kadib baaritaano la sameeyay ayay booliska israaiil sheegeen iney heleen maanta oo isniin ah in dambiilihii ka dambeeyay inuu gubto dhisme weyn oo la daganaa ay gacanta kusoo dhigeen balse uu noqday Eeey.

Dabka ayaa burburiyay dhismihii uu qabsaday iyadoo ay ku dhaawacmeen labo qofood waxayna inta uu baaritaanka socday booliska yahuuda heleen daliil kaasoo ah muuqaalada kaamirooyinka dhismaha ku dhagsanaa  muuqaalkaas oo cadeynayay in eyga uu ka dambeeyo dabkii dhismaha qabsaday.

Muuqaalada ayaa muujiyay Eeyga oo ah mid ku noolaa dhismahaas  uu afkiisa ku waday walax ay booliska yahuuda ku sheegeen inuu ahaa kalxad (jansigaar).

Eeyga oo ahaa mid fadhiga dhex fadhiyo isla markaasna meesha ku cayaarayay uu dabka noqday mid soo muuqda kadib markii kalxadii shidantahay iyadoo eeygii uu noqday mid fiigsan kadib markuu dabkii arkay wuxuuna bilaabay inuu qeyliyo.

Dabkii ayaana dag-dag isku qabsaday asigoo dhismihii oo dhan ku fiday waxaana goobtii gaaray dab damiskii oo ku guuleystay in dhismaha faarujiyaan kahor intaysan cidna waxba ku noqon markii laga reebo labo dhaawac oo fudud,  sidoo kale booliska yahuuda ayaa sheegeen in Eeyga uu dabkaas ka badbaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*