Emraan Hashmi filimkisa Cheat India oo hal todobaad lasoo hormariyay daawashadiisa

Emraan Hashmi filimkiisa fariinta waaqiciga ah xambaarsan Cheat India waxaa lagu waday in la daawado 25-ka bishan Janaayo ama maalinta Jamhuuriga Hindiya balse haatan hal todobaad ayaa lasoo hormariyay daawashadiisa taasi oo ka dhigan in 18 Janaayo 2019 la daawanayo.

Emraan Hashmi oo ka mid ah soo saarayaasha filimka Cheat India ayaa saxaafada u sheegay in 25 Janaayo noqotay maalin lagu soo wada xoomay oo mashquulkeeda badan yahay waxayna u dhaafeen filimada Thackeray iyo Manikarnika oo ku loolami doonaan tiyaatarada qaabkii ay ku qaybsan lahaayeen maalintan fasaxa qaran jiro.

Sidoo kale Aditya Thackery hogaamiyaha xisbiga Shiv Sena ayaa soo dhaweeyay in filimka Cheat India hal todobaad lasoo hormariyay waayo Aditya Thackery wuxuu rabaa filimka nolosha aabihiis looga hadlaayo Thackery inuu ganacsi weyn sameeyo waxaana looga hadlaa nolosha ruug cadaaga siyaasaga Hindiya caan ka ah Baal Thackery waxaana doorkan matalaayo Nawazuddin Siddiqui.

Emraan Hashmi ayaa ku kalsoon in filimkiisa Cheat India oo ka hadlaayo nidaamka waxbarashada Hindiya sida ganacsi looga sameeyo ayadoo imtixaanaadka iyo shahaadooyinka la iibsado ganacsi weyn sameyn karo fursad wacana u tahay in hal todobaad firaaqo ah kaligiis filimkan la daawado.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.