Fasaxii Sanadka Cusub Ee Manali Kadib Kangana Oo Mumbai Timid Iyadoo Gacmaha Jeebabka Ugu Jiraan (+Sawiro)

Queen of Bollywood Kangana Ranaut waxay ku mashquulsantahay filmkeeda Manikarnika –The Queen of Jhansi kaaso wali howshiisa socoto maadama uu yahay film taariikhi ah xayeysiin balaaran ayeena u sameyneysa mashruucan.

Manikarnika Kangana ayaa Director ka ah qeybaha dambe waana film looga hadlaayo nolosha iyo taariikhda boqoradii qasriga Jhansi ka talin jirtay kahor dhalashada halyeeyga hindiga Gandhi.

Waxaa filmkaan looga hadli doona nolosha boqoradaas min bilaaw ilaa dhamaad iyo sida ay gumeysiga ingiriiska u diidi jirtay iyo dagaaladii ay la gashay ilaa ugu dambeyn laga dilay oo ay ku geeriyotay iyadoo dagaal kujirta.

Hadaba Kangana ayaa masuuliyada mashruucan dusha saaratay iyadoo doorkii Rani Lakshmi Bai sameen doonto xili ficilo dagaal halis ah ay shaashada kusoo bandhigeyso sanadka dambe ayaana la daawan doona.

Kangana ayaa sawiradii ugu horeyeen sanadkaan cusub 2019 laga soo qabtay xalay ayadoo Mumbai timid maadama ay qoyskeeda fasaxa sanadka cusub kual soo qaadaneysay Manali labis heer sare ah iyo xarago horleh ayee la timid Ranaut.

Waxay kamid tahay atirishooyinka kuwooda ugu Fashion-ka wanaagsan mashruuceda Manikarnika waxaa la daawan doona 25 bishaan Janaayo 2019 sida la filaayo halkaan hoose ka daawo sawirada Ranaut laga soo qabtay.