Feeryahanka Muslimka ah ee Xabib Nurmagomedov oo booqasho ku tagay Masjidka barekeysan ee QUSUS. (sawiro).

Xabib Nurmagomedov feeryahanka aduunka ee miisaanka fudud ee UFC ayaa booqasho ku tagay magaalada barakeysan ee QUDUS asigoo sidoo kalana booqday Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa.

Xabib oo waayadaanba booqasho ku joogay qaar kamid ah wadamada carabta ayaa booqashadiisa ka bilaabay wadanka Jordan asigoo halkaasina kula kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Urdun Amiir Xuseen Bin Cabdullaahi Al-Thani.

Kadib Xabib ayaa booqasho ku tagay magaalada Qudus asigoona booqday Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa wuxuuna halkaasi ku galay sawiro kadibna wuxuu uga sii gudbay wadanka Marocco asigoo sidoo kalana booqasho ku tagay Imaarada Dubai.

Hoos ka daawo booqashadii Xabiib Nurmagomedov;

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*