feeryahanka weyn ee Conor Mcgregor oo xabsiga loo taxaabay. Ogoow sababta.

Sida booliska Mareykanka sheegay Feeryahanka Buujimada iyo cayaaraha UFC ka xamaasho Conor Mcgregor ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu jajabiyay Telefan wiil doonayay inuu sawir ka qaato.

Sida uu qoray wargeyska Sky News oo soo xiganaya wargeyska The Times feeryahankaan Reer iirland ee 30 jirka ah ayaa lagu qabtay meesha loo yaqaano South Florida asigoo lagu soo eedeeyay xatooyo iyo inuu dambiyo xadgudub ah geystay.

Qareen u doodayay feeryahankaan ayaa arinta ku tilmaamay mid iska basiid ah asigoo yiri; “Conor wuu qadarin doonaa howsha hey’adaha sharciga ah” wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu sharciga la shaqeyn doono.

Conor ayaa ahaa mid kasoo baxa mid kamid ah Hotelada magaalada waqti dambe oo habeen ah asigoona halkaas kula kulmay wiil 22 jir ah kaasoo doonayay inuu sawiro ka qaato hase yeeshee taleefanka ayuu si qasab ah uga qaaday asigoona ku is istaagay kahor intuusan bixin waxaana mudo yar kadib meeshuu daganaa ugu tagay booliska magaaladaas.

Waxay aheyd bishii Oktobar ee sanadkii 2018dii markii Conor Mcgregor la xiray kadib markii lagu eedeeyay in gaarigiisa xawaare xadka bax ku waday asigoo gaarsiiyay 95km saacadiiba xili wadadaasi loogu talo galay 60km saacadiiba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*