Filimada Total Dhamaal iyo Luka Chuppi ganacsiga ay sameeyeen shalay oo Jimco ahayd

Superstar Ajay Devgn iyo kooxdiisa filimka Total Dhamaal weli tiyaatarada kama aysan dagin waxaana u suura gashau Jimcadooda shanaad in filimkan uu keeno 25 Lakh (Trade Figure) wuxuuna filimkan u hardmayaa sidii uu 150 Crore ku gaari lahaa xitaa haddii uu ka gaabiyo wax yar ayuu ka hoos mari doonaa darajadan.

Total Dhamaal waa filim shactiro oo hir galay kaasi oo HIT weyn noqday daawadayaashana ka heleen waana mid naadir ah aflaanta shactirada inay ilaa shan todobaad masraxa saarnaadaan waana guul kale ee u Ajay Devgn gaaray xiligii saxda ahayd ayuuna taxanaha Dhamaal kusoo biiray.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Total Dhamaal iyo ganacsigiida guud halka uu maraayo soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 92.24 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 36.13 Crore (rasmi)

Todobaadka sedexaad – 12.27 Crore (rasmi)

Todobaadka afaraad – 6.68 Crore (rasmi)

Jimco shanaad – 25 Lakh (qiyaas)

Wadarta Guud – 147.57 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale Kartik Aaryan iyo Kriti Sanon filimkooda Luka Chuppi isagana wuxuu keenay 50 Lakh (Trade Figure) Jimcadiisa afaraad wuxuuna ku jiraa weli jawi wacan waxayna ka dhigan tahay filimkan in 85 Crore ka talaabi doono xitaa waa macquul 90 Crore cimri ahaantiisa inuu gaaro.

Filimka Luka Chuppi oo HIT dhameestiran noqday sidoo kalena ganacsigiisa guud halka uu maraayo soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI) hoos kaga bogo:

Todobaadka kowaad – 53.10 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 18.56 Crore (rasmi)

Todobaadka sedexaad – 9.75 Crore (qiyaas)

Jimco afaraad – 50 Lakh (qiyaas)

Wadarta Guud – 81.91 Crore (Trade Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.