Filimisde kaga bogo hadal heynta ugu weyn fanka Koonfur Hindiya ka jirto maanta (+Sawiro)

Maalin wanaagsan aqristayaasha qiimaha badan ee shabakada Filimside ku xiran waxaan u heelanay rabitaankiina inaan ka jawaab celino sidaa darteed saaxiibo badan ayaa baraha bulshada nooga soo codsadeen inaan fanka Koonfur Hindiya waxyaabaha maalin walbo ka jiraan ee xiisaha badan maqaal ka sameyno sida aan Bollywood-ka oo kale warbixinada saameynta leh hal maqaal uga sameyno:

Sai Dharam Tej filimkiisa Chitralahari oo shalay tiyaatarada la saaray ayaa si isku dhafan ku furmay dhalinyarada wey soo dhaweeyeen halka dadka waa weyn fariintiisa ka helin waxaana qasab ku ah Sabti iyo Axad filimkan Telugu ah inuu siweyn u gadmo haddii kale waqti adag ayuu dhexda ka gali doonaa.

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay heeska Nuvve Samastham oo laxankeeda wadato waana hees Suldaan Mahesh Babu ku xarakeenayo waxayna ku jirtaa filimka Maharshi oo la daawan doono 9 May 2019:

Filimka weyn Kaapaan ee Tamil-ka ah sidoo kalena hogaamiyaasha ka yihiin Suriya, Mohanlal and Arya ayaa maalinta berito goos gooskiisa kooban (Teaser) lasoo bandhigi doonaa waana filim Action iyo qayaano isku jirto. Filimkan K. V. Anand Director ka yahay waxaa la daawan doonaa October 2019.

Allu Arjun ayaa maanta bilaabayo duubista filimkiisa 19-aad ee haatan si ku meel gaar ah loogu yeero AA19 waxaana Director ka ah Trivikam halka atirishada Pooja Hedge door muhiim ah ku leedaahy.

Filimka Tamil-ka ee cabsida iyo jaceylka isku jiro Neera 2 sidoo kalena hogaamiyaal ka yihiin Jai, Varalaxmi Sarathkumar, Raai Laxmi iyo Catherine Tresa ayaa shaaca laga qaaday in la daawan doono 10 May 2019.

Inaba caadi ma ahan Nani filimkiisa Jersey goos gooska laga soo bandhigay 4m qof ka badan ayaa 24 saac gudaheeda barta Youtube-ka ka daawadeen waxaana filimkan la daawan doono Jimcadan ama 19 April 2019.

Superstar Suriya filimkiisa NGK heeska laga soo bandhigay Thandalkaaran ee laxankeeda wadato aya noqotay mid siweyn u hirgashay waxaana filimkan Tamil-ka ah la daawan doonaa 31 May 2019:

Filimka Classic ah Arjun Reddy ee Telugu sameeyeen haatan asigoo Tamil ah ayaa la sameenayaa waxayna duubistiisa ka bilaabatay magaalada Lisbon ee dalka Portugal waxaana hogaamiye ka ah Dhruva Vikram oo uu aabo u yahay Superstar-ka reer Tamil Chiyan Vikram.

6-maalmood ayaa ka harsan daawashada filimka Classic ah ee taxanaha ah sidoo kalena cabsida badan Kanchana 3 waxaana hogaamiye ka ah Raghava Lawrence.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*