Filimisde kaga bogo hadal heynta ugu weyn fanka Koonfur Hindiya ka jirto maanta (Sawiro+Video)

Maalin wanaagsan aqristayaasha qiimaha badan ee shabakada Filimside ku xiran waxaan u heelanay rabitaankiina inaan ka jawaab celino sidaa darteed saaxiibo badan ayaa baraha bulshada nooga soo codsadeen inaan fanka Koonfur Hindiya waxyaabaha maalin walbo ka jiraan ee xiisaha badan maqaal ka sameyno sida aan Bollywood-ka oo kale warbixinada saameynta leh hal maqaal uga sameyno:

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska kooban (Teaser) ee filimka weyn Kaappaan oo ay hogaamiyaal ka yihiin Suriya, Mohan Lal, Arya, Samuthirakani, Boman Irani, waxaana Director ka ah K. V. Anand ayadoo la qorsheenayo in la daawado August 2019:

Superstar Chiyaan Vikram filimkiisa xiga Kadaram Kondan heeska kowaad ku jirto waxaa lasoo bandhigi doonaa 1 May 2019 waxaana Director ka ah Rajesh Selva halka Kamal Haasan maal galinaayo xagaagan ayaa la daawan doonaa.

Filimka ABCD ee hogaamiye ka yahay Allu Sirish maalinta berito ah ayaa goos goos laga soo bandhigi doonaa waana filim Telugu ah.

Sai Dharam Tej filimkiisa Telugu ah Chitralahari ayaa maalinta kowaad ganacsi dhex dhexaad ah sameeyay wuxuuna keenay 6.60 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal waxayna kooxda cajaladaha qeybiyaan ka heleen 3.62 Crore.

Bellamkonda Sai Sreenivas iyo Kajal Aggarwal filimkooda Sita waxaa la daawan doonaa 25-ka bishan April ayadoo maanta kaarto cusub laga soo bandhigay.

Markale kaarto cabsi ka muuqato ayaa laga soo bandhigay filimka Neeya 2 oo ay hogaamiyaal ka yihiin Jai, Varalaxmi Sarathkumar, Raai Laxmi iyo Catherine Tresa waxaana la daawan doono 10 May 2019.

Superstar Rajinikanth ayaa xarakaadkiisa iska wato madaama ay maanta tahay maalinta sanadka cusub ee taariikhda reer Tamil wuxuu soo bandhigay kaarto kale oo filimkiisa cusub Darbar u gaar ah waxaana mashruucan weyn Director ka ah AR Murugadoss waxaana la daawan doonaa 10 Jan 2020.

5-maalmood ayaa ka hartay daawashada filimka Jersey ee hogaamiyaha ka yahay Natur Star Nani waxaana la jileyso atirishada Shraddha Srinath.

Inaba caadi ma ahan goos gooska laga soo bandhigay filimka Tamil-ka ah Kalavani 2 oo ay wada jilayaan Vimal and Oviya qof walbo ayaa goos gooska mashruucan amaanayo waxaana la daawanayaa bishay May gudaheeda:

Hambalyo quruxleey Kajal Aggarwal ayaa barta Instagram-ka ku yeelatay 10-milyan oo taageero ama saaxiibo ah kuwaas oo xidigtan aad ugu xiran.

Superstar Mamooty filimkiisa Madhura Raja ayaa heesto dhul weynaha Malayalam iyo sidoo kale suuqyada caalamka siweyn ayaa fariintiisa loo soo dhaweenayaa wuxuuna maalintiisa kowaad keenay 9.20 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal waana filimka afaraad Malayam ama Mollywood sameeyeen ee ugu bilaabashada wanaagsan.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*