Filimka Andhadhun oo markale ganacsi adag sameeyay Talaadadiisa kowaad ama maalintiisa 5-aad

Ayushmann Khurrana, Tabu iyo Radhika Apte filimkooda Andhadhun ayaa ganacsi adag sameeyay Talaadadiisa kowaad ama maalintiisa shanaad ee uu tiyaatarada saaran yahay wuxuuna keenay 3 Crore (Trade Figure) waxaana xusid mudan in filimkan maalintiisa shanaad ganacsi ahaan uu ka sareeyo maalintiisa kowaad.

Andhadhun mudo shan maalmood ah wuxuu soo xareeyay 20.85 Crore (Trade Figure) waxaana muuqato in todobaadkiisa kowaad uu keeni doono 26 Crore ilaa 27 Crore ganacsi u dhaxeeyo waana filim guuleestay oo hubaal ahaan HIT dhameestiran noqon doono.

Filimka Andhadhun haddii Jimcadiisa labaad uu is celiyo waxaa muuqan doonto in cimri ahaantiisa 50 Crore gaari doono waana guul lixaad leh oo usoo hoyin doonto kooxdan filimkan miisaaniyada 30 Crore xambaarsan sameesay.

Filimka Andhadhun iyo mudo 5-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay fadlan hoos kaga bogo waxaana soo daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 2.35 Crore

Sabti – 5 Crore

Axad – 7 Crore

Isniin – 3.50 Crore

Talaado – 3 Crore

Wadarta Guud – 20.85 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale Ayush Sharma filimkiisa kowaad Loveyatri ayaa ganacsi liito sameenayo wuxuuna keenay 90 Lakh Talaadadiisa kowaad taasi oo ka dhigan mudo 5-maalmood ah inuu soo xareeyay 8.50 Crore (Trade Figure).

Sida muuqato filimka Loveyatri todobaadkiisa kowaad wuxuu keeni doonaa 10 Crore kadibna ma noqon doono filim sii socdo waana mashruuc guul dareestay.

Fadlan hoos kaga bogo Loveyatri iyo mudo shan maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India:

Jimco – 1.90 Crore

Sabti – 2.10 Crore

Axad – 2.75 Crore

Isniin – 1 Crore

Talaado – 90 Lakh

Wadarta Guud – 8.65 Crore (Trade Figure)

Ugu dambeyntii filimka Hollywood-ka ah Venom asigana ganacsigiisa inu gaabis ku imaado ayuu bilaabay wuxuuna keenay 2 Crore (Trade Figure) Talaadadiisa kowaad taasi oo ka dhigan mudo shan maalmood ah inuu filimkan soo xareeyay 20 Crore (Trade Figure).

Fadlan hoos kaga bogo Venom iyo mudo shan maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 4 Crore

Sabti – 5.25 Crore

Axad – 6.25 Crore

Isniin – 2.50 Crore

Talaado – 2 Crore

Wadarta Guud – 20 Crore (Trade Figure)