Filimka caawo ASTAAN TV saaran Dashing Rambabu (2017) filim Sunil iyo Prakash Raj (See Rabtaa) isku heleen wax badan ka ogaaw

Caawo ASTAAN TV (Mogadishu) Kanaalka 5-aad waxaa kasoo galaayo filimka Telugu ah Dashing Rambabu (2017) ama Ungarala Rambabu (2017) loo yaqaan ee Action-ka iyo mada daalada dhameestiran leh waana mashruuc sheekadiisa aad loo amaanay,dhankeena filim cusub ayuu ka yahay madaama fasiraadiisa nagu cusub tahay.

Jilaayaasha filimkan: Sunil Verma, Maya iyo Prakash Raj (See rabtaa)

Director: Kranthi Madhav

Xiliga la daawaday: 15 Seo 2017

Fariinta Filimka Pencil Oo Kooban: Ram Babu (Sunil) waa nin taajir ah balse wax walbo oo hanti leeyahay ka lumeyso marka uu awoowihiisa geeriyoodo. Kadib wuu iska soo baxaa wuxuuna u imaanaa Badam Baba (Posani) wuxuuna siinaa talooyin kala duwan oo ay ka mid tahay inuu dhul banaan ku beero geedo.

Nasiibkiisa Ram Babu (Sunil) dhulka wuxuu ka helaa buskut dahab ah oo qiimo ahaan ku fadhiyo 200 Crore ($28m) mar labaad ayuuna taajir noqonaa. Mudo kadib ganacsigiisa ayuu ku qasaaraa mar labaad Badam Baba (Posani) ayaa usoo jeedinayo talo ah inuu guursado Miya George gabbar xafiiskiisa si noloshiisa u bad baado.

Laakiin wax walbo waxay isbadalayaan marka Ram Babu (Sunil) marka ay isku dhacaan gabadha uu guursan rabo aabaheed Prakash Raj (See Rabtaa) kaasi oo dabci ahaan fikrada hanti goosadka aaminsan isaga iyo wiilka uu sodaga u noqon rabo fikrad ahaan isma aaminsano.

Waxaana qaybaha dambe loo daawan doonaa filimkan Rab Babu (Sunil) sida uu jaceylkiisa ku heli doono iyo sida ay sodagiisa isku fahmi doonaan.

Ka daawo fasiraada ASTAAN Films oo Afkaaga Hooyo kuugu soo turjumeen si aad wax badan kaga ogaatid filimkan xiisaha badan.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Dashing Babu (2017) oo xiiso badan:

F-G: Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Click kusii hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Xitaa haddii qoraalka uusan ku xiiso galineyn fadlan xayeysiinta Click noogu sii midaas ayaa muhiim noo ah anagana abaal ayaan kaaga heynaa.

Warbixin walbo xayeysiin ayay wadaata nagu caawi xayeysiimaha kala duwan inaad halmar Click ku siisid

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.