Filimka Kesari fiidkan halka uu maraayo iyo maalintiisa labaad ganacsiga laga filanaayo

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Kesari ayaa shalay maalintiisa kowaad 21 Crore keenay sidoo kalena maanta oo Jimco ah wuxuu ku furmay subaxdii hore 20% waana bilaabasho wanaagsan marka loo fiiriyo in maalin shaqo tahay sidoo kalena si dhameestiran filimkan tiyaatarada loo saaray.

Haddaba Kesari ayaa maanta duhurkii sare u kacay wuxuuna gaaray 43% ilaa 45% halka caawo fiidkii uu si wacan sare ugu sii kacay wuxuuna gaaray 65% taasi oo ka xaqiijisay in filimkan maalintiisa labaad si wanaagsan ganacsi ahaan isku celiyay.

Qiyaasta xili hore waxay muujineysaa in filimka Kesari maanta oo Jimco ah keeni doono 15 Crore ilaa 16 Crore ganacsi u dhaxeeyo waana lacago heer sare ah madaama maanta maalin shaqo tahay.

Fadlan hoos kaga bogo is bar bar dhig laga sameeyay sida filimka Kesari shalay oo Khamiis ahayd iyo maanta oo Jimco ah qaabka uu ku furmaayay xiliyo kala duwan:

Jimco Subaxdii hore – 18%-20% (Khamiis 25%-30%)

Jimco Duhur/Galab – 43%-45% (Khamiis 65%)

Jimco fiidkii/habeen – 65% (Khamiis 80%-85%)