Filimka Kesari oo  fiidkan Hindiya halkii ugu sareesay gaaray kani waa filimkii ugu bilaabashada wanaagsnaaa sanadkan 2019

Akshay Kumar filimkiisa Kesari ayaa caawa si weyn u qabsaday Tiyaatarada dalka india isagoo si weyn  kaga faa’iideesanayaa fasaxa feesatada Holi ee ka jirto dalka Hindiya sidaa darteed galabta iyo caawo fiidkii ganacsi ahaan halkii ugu sareesay ayuu gaaray

waxaana muuqato inuu filimkan noqon doono filimkii ugu bilaabashada wanaagsan bollywoodka sanadkan 2019 isagoo laga filanaayo inuu samayn doono ganacsi aad u weyn .

Filimka Kesari waxaa subaxan Tiyaatarada la saaray isagoo Tiyaataro xadidan maadama dadka badanaa ay ku maqnaayeen fasaxa feestada Holiga waxaana uu ku furmay 25-30% laakiin xiligii duhurka ayaa waxaana uu gaaray 60% isagpp gaaray darajada very good

Kesari caawo fiidkan waxna muusan reeban maadamaa uu gaaray meeshii ugu sareesay isagoo garacaayaa 80-85% waxaana muuqata in fiidkan dadka inay si waali ah usoo aadayaan Tiyaatarada

Fadlan Hoos Ka Eeg Maanta Iyo Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Filimka Kesari Uu Ku Furmay

subaxdii hore 25%-30%

Sabti duhurkii galab 65%

fiidkii/habeen 80%-85%

dhibaatada kaliya ee filimkan haysato ahaa inuu ka gaabin doono lacagaha laga rejo qabay inuu maalintiisa kowaad keeno iyadoo ay adag tahay in sheego lacagaha uu filimkan Kesari keeni doono maalintiisa kowaad . maadaama subaxan Tiyaataro badan la xiray iyagoo xirnaayeen ilaa iyo xiligii duhurkii waxaana muuqata ganacsiga filimka Kesari inuu ka bilowday xiligii duhurkaas markaas dadka ay kasoo laabtayn Dabaal-daga Feestada Holi

iyadoo xaaladaas ay dhibaato u geysanayso ganacsigii weynaa ee lagu haminaayay inuu sameeyo filimkan laakiin  filimkan waxa uu ku guuleysan doona inuu 15 crore ka sari mari doono ganacsiga maalintiisa kowaad. sidoo shabakada Boxx Oficce india (BOI)  si hordhac ah u  sheegayso inuu filimkan maalintiisa kowaad keeni doono lacag dhan Rs 17-18 Crore

Kesari waa filim Weyn kaaso xambaarsan miisaaniyad weyn laakiin waxaa guushiisa waxa la fiirin doono sida uu kaga baxsado maalmaha shaqada kaaso ku xiran sida ay noqoto sheekada filimkan