Filimka Kesari oo ku socdo si dhaqsi ah inuu HIT ku noqdo iyo qiyaas ahaan ganacsigiisii shalay

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Kesari ayaa ku socdo si dhaqsi ah inuu HIT dhameestiran ku noqdo madaama uu shalay 19 Crore ilaa 20 Crore ganacsi u dhaxeeyo qiyaasta xili hore shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday, waxayna ka dhigan tahay in 57 Crore ilaa 58 Crore inuu kusoo xareeyay mudo sedex maalmood ah waxaana usii harsan maanta oo Axad ah maalin nasiino markalena ganacsi weyn ayuu sameyn doonaa.

Filimka Kesari dhamaan magaalooyinka waa weyn iyo gobolada fog fog shalay sare u kac ayuu ganacsi ahaan ka sameeyay weliba Mysore iyo West Bengal wuxuu ka keenay min 2 Crore halka Waqooyiga Hindiya uu aad ugu xoogan yahay sidoo kalena ganacsigiisa Mumbai iyo hareeraheeda waa mid wanaagsan.

Waxaa xusid mudan in gobolka Bihar uu shalay 1 Crore ku dhawaad ka keenay filimka Kesari waana ganacsi adag marka loo fiiriyo in gobolkan aflaanta Siinga Siingaha inaan laga jecleyn ee fariintiida Waqooyiga Hindiya ku saabsan.

Kesari maanta oo Axad ah ganacsi aad u weyn ayuu sameyn doonaa kadib laga bilaabo Isniin ilaa Khamiis waa inuu is celiyaa maal maha shaqada si uu filimkan guul lixaad leh u gaaro balse waa hubaal in Akshay Kumar filimkiisa si dhaqsi ah HIT ku noqon doono.