Filimka Kesari tiyaatarada subaxaan la saaray dibad iyo dal iyo bilaabashada laga rajeenayo

Superstar Akshay Kumar filimkiisa weyn Kesari ee uu soo saare ka yahay Karan Johar subaxan ayaa tiyaatarada la saaray ayadoo lagu kalsoon yahay ganacsi weyn inuu sameyn karo madaama shalay galab iyo xalay lagu casuumay daawashadiisa kuwa filimada ka faaloodaan aadna u amaaneyn sidaa darteed hadal heyn wanaagsan ayaa filimkan kasoo hormartay.

Waxaa la ogaaday in subaxaan filimka Kesari la saaray 3600 tiyaatar gudaha Hindiya halka daafaha caalamka subaxan la saaray 600 tiyaatar taasi oo ka dhigan wadar ahaan in filmkan la saaray 4200 tiyaatar dibad iyo dal.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Filimka Kesari tiyaataradiisa gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka waa la xadiday sababtana waxay tahay in maanta oo Khamiis ah masraxa la saaray waxaana la rabaa in Jimco ilaa Khamiis sare loo qaado tirada tiyaatarada laga daawanayo marka dalabaadkiisa soo bataan waxaana la yareeyay 20% ilaa 25% tiyaatarada la saarayo filimkan waana siyaasad kooxda filimkan qaaten.

Maanta waa maalin fasax jiro feestada Holi waxaa muuqato in subaxda hore filimka Kesari si adag ku furmi doonin madaama dadka feestada ku mashquulsan yihiin balse laga bilaabo duhurkii ilaa caawo fiidkii siweyn ayuu u gadmi doonaa asigoo filimkan isku heelanayo awooda Akshay Kumar iyo fariintiisa oo aad loo amaanayo.

Kesari waxaa lagu kalsoon yahay in 20 Crore maalinta kowaad ganacsi ahaan sameyn doono haddii 20 Crore uu ka sare maro waa bilaabasho aad u weyn haddii uu 20 Crore ka hoose maro iyadana waa niyad jab.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.