Filimka NTR Kathanayakudu siduu Flop ama HIT ku noqon karaa iyo lacagaha lagu iibsaday

Filimka weyn NTR Kathanayakudu ayaa maanta (9 Jan 2019) tiyaatarada la saarayaa waana mashruuc Telugu ah, waxaana hogaamiyaal ka ah Nandamuri Balakrishna, Vidya Balan iyo Rana Daggubati, waxaana looga hadlaa nolosha Superstar-kii sanadii 1996 ayuu wadno xanuun u geeriyooday Nandamuri Taraka Ramarao ama loo yaqaan N. T. Rama Rao kaasi oo awoowe u ahaa Jr. NTR.

Haddaba filimka NTR Kathanayakudu oo siweyn loo wada sugaayo lacagaha kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen iyo sida uu FLOP ama HIT ku noqon karo fadlan hoos kaga bogo waxaana xogtaan kasoo xiganay shabakada Andhra Boxoffice (ABO):

Dhul weynaha Telugu kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ku iibsadeen 54.10 Crore qeybintiisa

Suuqyada caalamka kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ku iibsadeen 10 Crore qeybintiisa.

Hindiya inteeda kale kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ku iibsadeen 0.90 Crore qeybintiisa

Wadarta Guud Lacagaha Kooxda Cajaladaha Qeybiyaan Ku Iibsadeen filimkan 70 Crore

Siduu HIT ama Flop ku noqon karaa filimka NTR Kathanayakudu ee noloasha halyeega Nandamuri Taraka Ramarao ama loo yaqaan N. T. Rama Rao kaasi oo awoowe u ahaa Jr. NTR. looga hadlaayo:

Blockuster wuxuu noqon karaa marka kooxda cajaladaha qeybiyaan saami ahaan kaga helaan 105 Crore+

Super HIT wuxuu noqon karaa marka kooxda cajaladaha qeybiyaan saami ahaan kaga helaan 84 Crore – 104.99 Crore

HIT wuxuu noqon karaa marka kooxda cajaladaha qeybiyaan saami ahaan kaga helaan 70 Crore – 83.99 Crore

Above Average wuxuu noqon karaa marka kooxda cajaladaha qeybiyaan saami ahaan kaga helaan 63 Crore – 69.99 Crore.

Average wuxuu noqon karaa marka kooxda cajaladaha qeybiyaan saami ahaan kaga helaan 56 Crore – 62.99 Crore.

Flop wuxuu noqon karaa marka kooxda cajaladaha qeybiyaan saami ahaan kaga helaan 46.67 Crore – 55.99 Crore

Disaster wuxuu noqon karaa marka kooxda cajaladaha qeybiyaan saami ahaan kaga helaan 46.67 Crore iyo ka hoose.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.