Home BOX OFFICE Filimka Super 30 oo fiidkan sare u kac wanaagsan sameeyay maalintiisa kowaad...

Filimka Super 30 oo fiidkan sare u kac wanaagsan sameeyay maalintiisa kowaad ganacsi wanaagsan ka filo

 

Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa maanat subaxdii hore si dhex dhexaad ah ku furmay oo ay ahayd 20% ilaa 25% balse xiligii duhurka Hindiya ayuu sare usii kacay wuxuuna gaaray 30% ilaa 35% taasi oo muujisay inuu sare usoo kacay.




Balse caawo fiidkii ayuu meel sare gaaray oo ah 55% ilaa 60% waana arin xaqiijisay in filimkan maalintiisa kowaad xisaabta labo godlaha gaari doono ama 10 Crore ka badan keeni doono waana bilaabasho aad u wanaagsan marka loo eego in filimkan fariintiisa tahay mid waaqici ah oo aan laheyn mada daalo dhameestiran.




Warar dheeraad ah waxay sheegayaan in filimkan magaalooyinka waa weyn sida Mumbai, Delhi, Hyderabad, Bengaluru iyo Kolkata waxaana muuqato maanta oo Jimco ah oo maalin shaqo ah haddii uu sare u kac sameeyay in Sabti iyo Axad reer magaalka siweyn u daawan doonaan filimkan fariintiisa la wada amaanayo.

Filimka Super 30 waxaa caawinayo in 3200 ilaa 3300 tiyaatar la saaray sidaa darteed dhamaan aflaanta kale ee tiyaatarada horey u sarnaayeen sida Kabir Singh iyo Article 15 waa lagu yareeyay tiyaatarada waana arin u wanaagsan Hrithik Roshan filimkiisa.




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...