Filmada Kedarnath Iyo 2.0 Qeybtiisa Af Hindi-ga Ganacsigooda Gudaha India Halka Uu Maraayo!!

Sara Ali Khan filmkee kusoo caan baxday ee Kedarnath ayaa wali ka gadmaya gudaha India waliba 2 todobaad u dambeysay isagoo tiyaataro aad u yar laga daawanayey waa film daawadayaasha soo dhaweyn wanaagsan u muujiyen.

Mashruucan ayaa wadarta guud maraya hader 68 Crore waxuuna si dhib badan ugu darsan doona 1.75 Crore todobaadkan marka uu dhameesto ilaa todobaadka kale maadama tiyaatarada yar ee laga daawanayo laga sii dajin doono.

Kedarnath waa film guul wacan gaaray ganacsigiisa guudna 70 Crore ayuu udhowaan doona ama ku istaagi doona fadlan halkaan hoose kaga bogo ilaa hada gudaha India ganacsigisa uu ka sameeyay.

Todobaadka Kowaad-41.86 Crore

Todobaadka Labaad-19.74 Crore

Todobaadka Sedexaad-5.29 Crore

Todobaadka Afaraad-1.15 Crore (Mudo 4 Maalmod Ah)

Wadarta Guud- 68.04 Crore (Trade Figure)

Dhanka kale filmka koonfur India laga leeyahay ee 2.0 qeybtiisa af hindiga lagu daawanayo wali ganacsigiisa ma istaagin waxuuna hader sare udhaafay 185 Crore waana film Super Hit weyn ka noqday qeybta af hindiga.

Mashruucan 1 Crore ayuu ku darsan doona ganacsigiisa qeybta af hindiga 186 Crore ayuuna ku istaagi doona balse marka laga hadlo dhamaan luuqadaha kala duwan ee India looga daawaday waa filmka lacagaha ugu badan soo xareyay .

Sido kale marka laga hadlo isku darka gudaha India iyo daafaha caalamka waa fllmka lacagaha ugu badan sanadkii 2018 soo xareeyay halka Tamil uu ka noqday mashruuca abid ugu weyn ee Tamil Nandu lacagaha ugu badan kasoo xareeayy halkaan hoose kaga bogo qeybtiisa af hindiga iyo ganacsiga uu ka keenay ilaa hada.

Todobaadka Kowaad-135.56 Crore

Todobaadka Labaad-36.81 Crore

Todobaadka Sedexaad-10.62 Crore

Todobaadka Afaraad-2.07 Crore

Todobaadka Shanaad-25 Lakh

Wadarta Guud- 185.31 Crore (Trade Figure)