Filmka Simmba Iyo Ganacsigii Taariikhiga Ahaa Shalay Uu Sameeyay Waa Isniin Aan La Ilaawi Doonin!!

Ranver Singh filmkiisa Simmba ayaa shalay oo isniin ahed ganacsi lama ilaawan ah sameeyay waxuuna ka faaidestay isku diyaarinta fasaxa sanadka cusub  balse maanta ganacsiga uu sameen doono ayaa kadaran.

Simmba waxuu shalay oo isniintisa kowaad ahed keenay 21.75 Crore taasi oo ka dhigan in mashruucan wadarta guud ganacsigiisa gudaha India hader maraayo 97 Crore (Trade Figure).

Mashruucan waqooyiga India iyo Mumbai ayuu si weyn kaga gadmay shalay oo Isniin ahed waxuuna ganacsi ahaan shalay in badan ka wanaagsana jimcadiisa kowaad marka lala bar bardhigo.

Sido kale Delhi/UP iyo East Punjab ayuu sare ukac 15-20% ka sameeyay maalintii shalay ahed markii lala bar bardhigo jimcadiisa kowaad taasi oo kadhigan inuu shalay ganacsi ka badan kii jimcadii uu sameeayy.

Simmba waxuu noqday filmkii 8-aad ee  isniintisa kowaad 20 Crore ka bada keeno iyo filmka labaad 2018 ganacsiga ugu badan isniintisa kowaad sameeyo waxaana kaliya ka badan filmka Sanju waxaana la filaa maanta ganacsiga uu sameen doono in axadiisa kowaad la bar bardhigi doono ganacsi ahaan maadma fasaxa sanadka cusub loo dabaal dagaayo.

Mashruucan inuu Super Hit yahay arbacada ayaa si rasmi ah loo xaqiijin doona inkasto si hordhac ah hader BOI ugu dhawaaqday sido kalen ganacsiga jimcadiisa labaad uu sameeyo waxuu xaqiijin doona halka filmkaan hiigsanaaayo fadlan halkaan hoose kaga bogo Simmba iyo ilaa hada gudaha india ganacsiga uu ka sameeyay..

Jimco-20.50 Crore

Sabti-23.75 Crore

Axad-31 Crore

Isniin-21.75 Crore

Wadarta Guud-97 Crore (Trade Figure)

FIlmkaan  mudo 4 maalmod ah ayuu Mumbai 37 Crore ka kenay halka Delhi/UP uu ka keenay 18.50 Crore sido kale East Punjab 8.25 Crore ayuu ka keenay ugu dambeyn CP Berar ganacsi layaab leh ayuu ka sameeyya 4 maalmod isagoo ka keenay 4.75 Crore hubaal ahaan Simmba xawaare sare ayuu kusocdaa..