Filmsameye Karan Johar Ayaa Beeniyay Warark Sheegaya In Uu Mss World Manushi Chhillar Bollywoodka Keeni Doono!!

 

Waxaan horey idiin kula wadaagnay in filmsameyaha caanka ah ee Karan Johar doonayo gabadha loo doortay mida dunida ugu quruxda badan Manushi Chhillar inuu Bollywoodka keeno.

Waliba wararka waxay intaas ku dareen in filmsameyahan filmkiisa Student of The Year 2 uu atirisho kaga dhigi doono gabadhaan, balse warkaas waa la isaga daba yimid.

Karan ayaa saxaafada sida tan u sheegay,” Waxaan kamid ahaa martida xaflada gabadhan loogu caleemo saarayey gabadha dunida ugu quruxda badan, waxaan ka dareemaya inee tahay gabar karti leh isla xafladaas ayaan ku kulanay balse wax shaqo ah ka hadalkeda nama dhexmarin.”

“Sido kale maalintas kadib ma wada kulmin aniga iyo iyada marka halkee laga keenay warkaan sheegaya inaan film atirisho kaga dhigaayo Manushi, arinka sidaas ma aha warkaas la wad wadaana waxba kama jiraan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*