Finn Balor oo ka hadlay xidigaha uu jeclaan lahaa inuu wajaho Bandhiga Wrestlemania.

Waraysi uu bixiyay xidiga reer Irish ee Finn Balor asigoo joogay caasimada wadanka England ee London ayaa wuxuu ka hadlay riyadiisa bandhiga ugu weyn WWE ee Wrestlemania.

Xidigaan ayaa wareysigaas kaga hadlay xidigaha uu jeclaan lahaa lahaa iney isku wajahaan riingaha.

Finn balor oo riyadiisa ka hadlayay ayaa sheegay in riyadiisa aysan waxbadan ka duwaneen riyada saaxiibadiisa ay iskala howlgalaan WWE meelkasta oo ay joogaan maadaama uu sheegay inuu doonayo inuu maalin uun riingaha la koro lagdanyahanka magaca Wrestlemania markii lasoo qaado ay qasab tahay in magaciisa lagu lifaaqo ee The Undertaker.

Undertaker ayaa ah halyey laga dambeeyo iyo xidigaha musaaracada ku faanaan iney la galaan riingaha guulaha uu ka gaaray shirkadaan owgeed siiba bandhiga Wrestlemania.

Sidoo kale Finn Balor ayaa tibaaxay xidiga labaad uu jeclaan lahaa inuu ku wajaho bandhiga Wrestlemania wuxuuna dooqiisa labaad ku sheegay inuu yahay ninka wax qarbuda ee Brock Lesnar.

Finn Balor ayaa wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu ku guuleysto dibna usoo ceshto suunka WWE Universal Chambionship maadaama uu yahay qofkii ugu horeeyay ee mu guuleystay walina uusan suunkaas khasaarin.