Flashback! Maxuu Sameynaayey Mega Star Amitabh Bachchan Marka Wiilkisa Abhishek Bachchan Dhalanaayey!!

 

Mega Star Amitabh Bachchan waa halyeeyga Bollywoodka taariikh ahaan ugu magaca weyn, sido kale waa ninka ay ku aftirsadaan Bollywoodka uguna awooda badan India marka jilayaasha laga hadlo.

Amitabh Bachchan waa shaqsi taagerayashisa la fal gala had iyo jeer waana mida kaliftay ilaa hada inuu hogaanka u qabto shacbiyad badnaanashaha dhanka baraha bulshada ay isaga shacbiyad badan yihiin atoorayasha maadama uu Twitterka xidigaan ugu shacbiyad badan yahay xidigaha kale.

Hadaba maanta ayuu bartiisa Twitterka ku xusan xiligii uu wiilkisa Abhishek Bachchan dhalanayey isagan uusan ka akdhoweyn oo uu shaqo ku mashquulsana.

Big B qoraal ahaan waxuu soo dhigay bartiisa Twitterka saacado kahor sida tan,” waxaa 41 sano jirsaday filmkeyga Khoon Pasina waxaana dhacday xiligaa filmkaan duubayey in la sugayey dhalashada Abhishek Bachcchan.”

“Sifiican ayaan u xasuustaa waxaan ku sugneen Kashmir halkaas oo aan ku duubeynay filmkaan sido kalena xiliyadaas waxaa dhagta loo taagayey dhalashada Abhishek Bachchan maadama uu waqtiyadaas ku dhow uu dunida kusoo biiray.”

Abhishek Bachchan waxuu dhashtay 5 Feb sanadkii 1976 halka filmkaan la daawaday 21 Jan 1977 balse duubis lagu waday bishii Febraury ee sanadkii 1976 waana xiliga uu dhalanaayey Abhishek Bachchan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*