Furiinkeeda ayaa sabab u noqon doono iney noqoto naagta aduunka ugu lacagta badan iyadoona heli doonto lacag aan xitaa maankaaga kusoo dhaceynin.

Mackenzie Bezos waxay u dhaxdaa Jeff Bezos oo ah ninka aduunka ugu hantida badan waxaana hantidiisa lagu sheegay iney gaartay 137 Billion oo dollar.

Hadaba waxaa lagu dhawaaqay Jeff Bezos inuu furi doono xaaskiisa Mackenzie Bezos kadib markii ay is qabeen mudo kabadana 25 sano waana rubuc qarni kaamil ah.

Labadaan lamaane ayaa waxay kasoo jeedaan Gobolka Washington kaasoo sharci ahaan dhigaya in ninka iyo naagta markii ay isfurayaan hantida loo kala qeybiyo, waxayna tani ka dhigantahay in Mackenzie ay heli doonto 68 Billion oo dolar hadii la furo.

Sida uu Jeff Bezos bogiisa Twitterka soo dhigay wuxuu sheegay in asiga iyo xaaskiisa Mackenzie kala tagi doonaan hase yeeshee wuxuu hoosta ka xariiqay iney saaxiibo iyo qoys sii ahaan doonaan maadaama 4 caruur ah ay isku dhaleen.

Wali macada in warqadii furiinka la saxiixay iyo in kale balse hadii uu furiinkaan dhaco durbo waxay Mackenzie Bezos noqon doontaa naagta aduunka ugu taajirsan iyo shakhsiga sadaxaad ee aduunka ugu taajirsan kadib Bill Gates iyo Jeff Bezos.