Gabadha Dooneysa Inee Varun Dhawan Xiriir Jaceyl La Sameyso Waa Inee Shuruudan Kasoo Baxdaa (Big Chance)(+Sawiro)

Varun Dhawan waa mid kamid ah atoorayasha ugu soo jiidashada badan ee Bollywoodka heestan, waxaana la sheegay in xidigaan malaayin gabdho ah daafaha caalamka ku nool ay jecel yihiin qaab dhismeedka jirkiisa iyo xarakaadkisa aawged.

Varun Dhawan waxaa lagu xantaa inuu xiriir jaceyl la leeyahay gabadha lagu magacaabo Natasha Dalal hase ahate wali waa nin doob ah oo aan guursan waxuuna had iyo jeer ka fikira mustaqbalkiisa iyo gabadha uu guursan lahaa.

Waxaa sawiro laga soo qabtay Varun Dhawan oo kasoo baxaya xafiiska DIrector-ka filmka October ee Shoojit Sircar waxaana sawiro laga soo qabtay xidigaan maanta galinkii dambe.

Waxaa xusid mudan in funaanada uu sito xidigaan oraah ahaan ay ku qorantahay sida tan,” Jeclaaw gabdhaha jecel xaywaanadka” oo loo lajeeda gabadha jecel xaywaanka in badana ka taxadirta.

Waxaa la ogaaday Varun Dhawan inuu jecelyahay misane qadariyo gabdhaha had iyo jeer xanaaneyan xaywaanka balse ma aha kuwa ka cabsada xaywanka ama dilaan( kkkkk).

Hadii aad tahay gabar xaywaanka xanaanesa oo jecel fursad weyn ayaa meeshan taalo, halkaan hoose ka daawo sawirada Varun Dhawan laga soo qabtay maanta galinki dambe ama galabkaan.

Varun-Dhwan--(13)

Varun-Dhwan--(7)

Varun-Dhwan--(4)