Gabadha Il-jabinta Ku Caan Baxday Ee Priya Prakash Oo Goor Dhow Kusoo Biiri Doonta Bollywoodka

Priya Prakash ayaa dunida caan ka noqotay mudo hal todobaad gudaheeda ayadoo dadka ku kasbatay hal il jabin oo ay si qurux badan u sameysay taaso dadka dhan kawada heleen haba ugu badnaaden wiilasha dhalinta ah ee daafaha caalamka.

Priya ayaa il jabinteda ku hanatay malaayin dad ah inee taageri u noqdaan atariishadan 19 sano jirka ah waxaa dhawaan ay imaaday magaalada mumbai si ay iyadoo ugu arkay mid ka mid ah tiyaatarada magaalada mumbai

iyadoo halkaas u aaday si ay soo daaawato filimka uri  oo uu hogaamiyaha ka yahay aktarka vicky kushal kaaso tiyaatarada laga daawanaayo sidoo kale waxa ay kulamo la qaadatay qaar ka mid ah aktarada ugu caanaan gudaha bollywoodka xiligan

waxaana ka mid ah aktarka ranveer singh kaaso ay si wadajir ah u wada-galayn sawir selfie ah kaaso abuuray hadal-hayn priya prakash ka dib imaanshahaydaa mumbai

waxa ay saxaafada sheegayaan mumbai u jeedada priya ay halkaas u imaaday inay tahay inay Saxiixato filim bollywood ah laakiin ilaa hadda lama haayo warbixin rasmiga taaso ku saabsan booqashada atariishadan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*