GABAR SALAAN LOGA CEYRIYAY JAAMACAD.

Waxaa Qoray: Abdirashid Mohamud Nor

Sida lagu daabacay idaacadda adduunka la hadasha ee BBC-da, maamulka jaamacadda Al Azhar ayaa go’aan ku gaaray iney ka eryaan waxbarashada gabar xabadka ku salaantay wiil guur usoo bandhigay sida la baahiyay.

Maamulka waxey daawadeen muuqaal laga duubay gabadhaan iyadoo falka xabad galinta ah ku sameyneysa iyadoo joogta meel kafeega laga cabo, wiilka ardayga ah ayaa jilba jabsaday si uu gabadha ubax ugu dhiibo isagoo usoo bandhigay guur sida la sheegay.

Waxaa lasoo warinayaa in gabadhu ay u muuqatay mid si weyn ugu faraxsan go’aanka, kadibna waxey ku dhaqaaqday falka anshax xumada ay u arkeen maamulka.
Madaxda jaamacadda waxey qireen in gabadhaan laga eryaya waxbarashada maadaama ay jabisay anshaxa iyo qiyamka jaamacadda, waxaana xusid mudan in jaamacadda ay tahay tan ugu weyn ee caalamka ee laga barto culuuma islaamka.

Dhanka kale lama helin xog muujineysa ciqaabta uu mutay wiilka ardayga ahaa ee isaga ku lugta lahaa falka.

Maxey Kula Tahay? Fikirkaaga ka dhiibo.

F.G: Sawirka ma ahan dadka laga sheekeynaayo, waxaan usoo qaatay tusaaleyn, xuquuqdana waxaa leh (123rf.com)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*