Gabar Taageero U Ah Varun Dhawan Oo Dadka Hortoodo Inuu Shumiyo Kaga Dalbatay (+Sawiro)

Jilaaga caanka ah Varun Dhawan ayaa Airport-ga kaga yaabsatay gabar taageero u ah kadib markii ay dadka hortooda kaga dalbatay inuu shumiyo xidigaan sababtana waxay tahay inee farxada ka tan badatay maadama atooraha ay taageerto horteeda joogay.

Varun Dhawan waa mid kamid ah atoorayaasha dhalinta maanta Bollywoodka ka howl galaan malaayiin taaageero ayuuna daafaha caalamka ku leeyahay xidigaan haba ugu badnaadeen dumarka.

Gabar taageero u ah ayaa Varun Airport-ga kusugeysay dabcan jadwalkiisa ayee ka warheysay waxaya sameeysay fiyooro ayee u diyaarisay kadib markii ay la kulantay ayee jilbaha dhulka dhigatay si xushmad ku dheehana fiyoorihii u gudoonsiisay xidigaan.

Varun ayaa gabadha ugu baaqay inee dhulka ka kacdo waxuuna kaga mahadceliyay xushmada iyo taageeronimada ay u muujisay aad ayuu u cajabay balse si lama filaan ah waxay kaga naxsatay inee shumis ka dalbato waliba inuu daanka ka shumiyo.

Varun midaas waa awoodi waayey waana kasii dhaqaaqay gabadhii balse kama aysan harin oo waxay ku celcelisay inuu shumiyo cabaar ayeena daba socotay markii dambe Varun wajiga qeybta sarre ayuu ka dhunkaday isagoo xushmad u muujiyay sido kalena xishood ayuu muujiyay jilaagan maadama gabar uusan aqoonin fagaaraha ku shuminaayo.

Wey jiraan taageeryaal fara badan oo markee arkaan xidigaha ay taageeraha u yihiin sidaan oo kale uqasbaan inkastoo jilayaal qaar xanaaq goobta kaga tagaan hadana Varun dulqaad ayuu muujiyay maadama gabar ahed diidayna inuu qalbiga ka dilo halkaan hoose ka daawo sawirada laga soo qabtay Varun iyo gabadhaan..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…