Geed dilay 20 qof (dhacdo aan caadi ahayn.)

 

20 qof ayaa ku dhimatay shil aan caadi aheyn kaasoo ka dhacay wadanka Ghana kadib markii uu kusoo dumay geed meesha ka baxayay.

Waxay ahaayeen koox arday iyo macalimiin isugu jirto waxayna ahaayeen kuwa ku dabaasha wabi meesha ku yaalay waxaase si kadis u dhacday dhacdo aysan marnaba fileynin aadna u xanuun badan.

Dadka dhintay oo wabiga ku dabaalanayay ayaa waxaa kusoo dumay geed aad u qaro weyn kadib markii duufaanta wabiga jiridkiisa siibtay waxaana isla goobtii ku qur baxday 18 kamid dadkii meesha joogay.

Labada qof ee soo hartay ayaa iyagoo dhaawac ah isbitaalka ku geeriyooday halka ay wali isbitaalka ku jiraan 11 qof kale oo dhaawac ah kuwaasoo xaaladooda lala tacaalayo.

Dadka dhaawaca ah ee isbitaalka ku jiro waxaa kamid ah maamulihii ardayda safarkaas ku wehliyay, waxayna dhacdadaan noqoneysaa mid ugub ah iyadoo wasiirka dalxiiska wadanka Ghana ay ka tacsiyeysay arintaan.