Goorma La Daawan Doono Goos-gooska Filimka Ugu Weyn Sanadkan 2019 Ee Bharat

waxaa dalka india si weyn looga sugaayaa xiliga rasmiga ah ee lasoo bandhiga doono goos gooska filmka Bharat kaaso uu hogaamiya ka yahay aktarka Salman Khan waxaana 25 bisha janaayo ee sanadkan filimkan laga soo bandhigay goos-goos kooban ama Teaser kaaso la yimdaay hadal-hayn aan hore loo arkin

iyadoo Salman Khan uu yahay aktar jecel inuu ka farxiyo taageerayaashiisa xilli walba ayaa hadda waxaa lasii ogaaday in goos-gooska filimkiisa weyn ee Bharat la daawan doona Bartamaha Bisha April kaaso nagu soo food leh

waxaana la rajeenaya inuu goos-gooskan noqdo mid la yimaada hadal-hayn aan hore loogu arkin Bollywood-Ka madaama ay filimkan ku midoobayn Salman Khan Iyo KatrinaKaif kuwaaso ka mid aktarada ugu awoodda ee ku midooba Shaashada filimka sidoo Salman Khan ayaa waxa uu filimkn la shaqayn doona Director Ali Abbasa Safar kaaso hore Salman Khan ugu sameeyay filimka  Tiger Zinda Hai waxaana filimkan la daawan doona Eid 2019

Filimka Bharat Salman waxaa la jilayaan Katrina Kaif, Tabu, Disha Patani, Jackie Shroff, Sonali Kulkarni, Nora Fatehi iyo Aashif Sheikh. Waxaana filimkan fariin ahaan laga soo min guuriyay filimkii Korean-ka ahaa An Ode to My Father (2014)

wuxuuna Salman ku jilayaa 20-jir ilaa 60-jir asigoo raadin doono aabihiis oo ay kala kulmeen markii uu caruur ahaa xiligii Hindiya iyo Pakistan labo dal laga kala dhigaayay oo dad badan labada dhinac ku kala xayirmeen isna waayeen ehel ahaan.