Goormaa laga hawl gali doonaa Akshay Kumar filimkiisa Baby 2

Super Star Akshay Kumar filimkiisa Baby ee sanadii 2015 la daawaday wuxuu noqday mid Classic ah sheeko ahaan waana mid ka mid ah aflaanta ugu tayada wanaagsan oo ay Bollywood-ka sameeyeen.

Hadaba Director Neeraj Pandey ayaa shaaca ka qaaday in filimkaan qaybtiisa labaad Baby 2 laga hawl gali doono sanada 2020 sidoo kalena sheeko ahaan midkii hore ka xiiso badnan doono.

Director Neeraj Pandey wuxuu yiri “Aniga iyo Akshay waxaan ku heshiinay inaan Baby 2 sameeno horaanta 2020 madaama aktarka akshay uu si weyn ugu mashquulsan yahay mashruucyo badan sida kesari good news sooryavanshi iyo aflaamo kale oo badan

babby 2 waxaana sheeko ahaan laga amba qaadi doonaa halkii qaybta kowaad kusoo idlaatay” Akshay Kumar ayaa kusoo baxay Super Star-ka dhawaanahan sameeyo aflaanta sheekada wanaagsan ee sida weyn daawadayaasha kaga helaan sidoo kalena waa arin farxad leh in liiska uu hada ku darsaday sameynta Baby 2 oo 2020 laga hawl gali doonon.