Govinda Oo Si Qiiro Leh Oga Hadlay Geerida Kutimid Halyeey Bollywood Kader Khan”Mudane Kader Waa Aabihii Fanka”

Halyeey Bollywood Kader Khan geeridiisa waa mid laga naxay shalay markii ay maqleen reer Bollywood iyo taageerayaashisa daafaha caalamka waxaana xusid mudan in jilaagan ay u duceyeen dhamaan muslim iyo gaal wixii aqoon u lahaayen.

Khan waxuu ku geeriyoday Cannada geeridiisana waxaa saxaafada ogeysiiyay wiilkiisa Sarfaraz waxaa la sheegay in neefta ku ceshantay maadama uu neefsiga kudhibana mudo 81 jir isago ah ayuuna geeriyoday Khan.

Super Star Govinda oo kamid ah shaqsiyaadka filmada ugu badan la sameyeen Kader Khan ayaa shalay si qiiro leh oga hadlay geerida kutimid Kader Khan xili uu saxaafada wareysi siinayey waxuuna yiri Govinda oo hadlaayo.

“Mudane Kader Khan waan kanaxay geerida kutimid Bollywoodka waxay waayeen shaqsi muhiim ah iyo qof ka qeyb qaatay kobcida iyo sare u kaca fanka hindiya, kaliya macalinkeyga ma ahen Kader ee sido kale aabaheyga fankana wuu ahaa.”

“Waxuu ahaa qof aan kudaydo wax badana ka faaiday la shaqeentisa xaqiiq ahaan waxaanba dhihi karaa Kader dhamaan dadka uu la shaqeyay maanta magaca iyo Super Star-nimo gaareen inuu isaga qeyb ka qaatay guushoda waxaan u tacsiyeena ehelkii iyo qaraabadii uu katagay.”

Govinda iyo Kader Khan lama tiring karo aflaamta ay wada sameyeen balse hal iyo labo waxaa kamid ah Dulhe Raja, Saajan Chale Sasural, Naseeb, Hero.No 1, Rajaji, Chhote Sarkar, Coolie No.1 iyo kuwa kale oo badan.