Govinda Oo Usoo Jawaab Celiyay Wiilka Kader Khan Ee Usoo Jeediyay Eedeynta Kulul “Sarfaraz Waa Caruur Lama Yaabayo”

Waxaa jirto dood kulul oo ka dhex dhalatay jilaaga caanka ah Govinda iyo wiilka uu dhalay halyeey Bollywood Kader Khan oo geeriyoday dhamaadkii 2018 ama bilawgii 2019.

Sarfaraz Khan ayaa Govinda usoo jawaab celiyay sidaan horey idiin kula wadaagnayba isagoo dhaliilayo Govinda iyo jilaayal kaleba waxuuna yiri isagoo Govinda khaladkiisa sheegayo.

Waxuu yiri Sarfaraz oo hadlaayo,”fadlan waxaad Govinda weydiisan halkuu ku ogaa aabihiis Kader Khan waa isaga leh Kader Khan waa aabahay oo kale iyo macalinkeyga waxuu xaalka macalinkiisa u ogaan waayey halmar xitaa usoo wici waayey haduusan u imaan karin xitaa.”

“Waxaa la yaab leh ilaa hada geeridiisa isagoo maqlay xitaa nama uusan soo wicin saxaafada horteedana waxuu ka sheegaya in uu Kader Khan aabihiis oo kale ahaa shirkadeena Bollywoodka ma sidan ayee isku bedeshay qofka caafimadka kaliya miyaa lagu rabaa qof wada shaqeen idin dhexmartay xitaa geeridiisa lagama tacsiyoonaya miyaa.”

Hadaba Govinda ayaa ka aamusi waayey hadalka Kader Khan wiilkiisa waxuuna yiri isagoo markiisa usoo jawaab celiyay,”waa layaab Sarfaraz miyaa sidaa u hadlay waan maqlay hadalkuu ku hadlay balse waa ciyaar waa caruur xaqiiqdi wax intaas dhaafsiisan kama dhihi karo hadalkiisa.”

Govinda isagoon wax xanaaq ama caro muujinin ayuu jawaabtas yar siiyay Kader Khan wiilkiisa aan aragno asna markiisa waxa uu ugu jawaabi doono iyo hadii ay jilayaal kale kala dhex gali doonan.