Habeenka Ugu weyn Bollywoodka waa caawa durbana wey bilaawatay xaflada Filmfare Awards iyo hordhaca xaflada!!

Jilayaal badan ayaa ku qul qulayaan xaflada Shah Rukh Khan ayaa hormuud ka ah ama daadihinaayo xaflada waxuuna caawa rabaa inuu qaato abaal marintaan markiisa 9-aad noqdana atooraha taariikh ahaan ugu abaal marinta badan qeybta atooraha ugu wanaagsan.
 
Filmka Padmaavat ayaa ah midka abaal marinta ugu badan u tartamaayo sababto ah atooraha ugu wanaagsan, atiriishada ugu wanaagsan, Director-ka ugu wanaagsan, filmka ugu wanaagsan dhamaan intaan oo abaal marin mashruucan wuu u tartamayaa.
 
Akshay Kumar Filmkiisa Padman ayuu ku tartamayaa caawa malaga yaaba Khiladi Kumar inuu kabaxo abaarta ah inuusan waligiis biladaan qeybta atooraha ku guuleysan.
 
Ranbir Kapoor ayaa dhankiisa doonaya inuu ka dulqaado dhamaan tartamayaasha kale waxuuna rabaa biladaan markii sedexaad inuu ku guulesto caawa sidaasna Aamir Khan iyo atoorayaal kale la bar-bardhigo.
 
Dhanka kale atiriishooyinka hogaanka u hayaan Bollywoodka Deepika Padukone iyo Alia Bhatt ayaa ugu cad cad inee ku guuleestaan biladaan qeybta atiriishada ugu wanaagsan weyna ku tartamayaan.
 
Waxaan sugnaaba waa qeybinta abaal marinta oo bilaawata fadlan Filimside kala soco Filmfare Awards si Update ah ilaa caawa sawirka sarrrena waa Ranver Singh oo ksuii wajahan xaflada waxuuna rabaa dhankiisa inuu abaal marino soo aruursado..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…