Habeenkii Shumiska: Ranbir Kapoor Iyo Alia Bhatt Oo Shumis Ugu Jawaabay Lamaanyaasha Deepika Padukone iyo Ranveer Singh Inta Ay Socotay Bandhigii Xalay Ee Filmfare

Xalay waxaa magaalada Mumbai ee dalka India lagu qabtay xafladii la wada sugaayey ee abaal marinada lagu bixiyo taaso ay soo qaban qaabisay shirkada ugu caansan uguna weyn dhanka abaal marinada Filmfare Awards.

Jilayaal badan iyo aflaam badan ayaa goobta lagu abaal mariyay waxaana ugu horeyaan Ranbir Kapoor oo caawa la gudoonsiiyay abaal marinta atooraha ugu wanaagsan markii sedexaad ayuuna hantay halka Alia Bhatt iyadaba la gudoonsiiyay atariishada ugu wanaagsan

laakiin bandhigii xalay waxaa lagu arkay waxyaabo badan kaaso hore u qarsoona sida xariirka ka dhaxeeya Ranbir Kapoor Iyo Alia Bhatt kuwaaso xalay qarsan waayeen farxada jaceylkooda iyagoo banaanka soo dhigayn wax walba oo lagu garto lamaanayaasha

ka dib markii Deepika jacaylkeeda gudoosiisay Abaal-marinta Best Actor (Critics Award ) ayaa Ranveer Singh waxa uu masraxa gudihiisa ku shumiyay xaaskiisa quruxleyda Deepika Padukone inyar ka dib Alia Bhatt ayaa iska bareejaysay iyadop shumisay jacaylkeeda Ranbir Kapoor ka dib markii la gudoonsiiyay Abaal-marinta aktarka ugu wanaagsan

waana dhacdo kaaso maanta si weyn u haysato saxaafada dalka india waxaana hadda ka dib laga doodi doonin inuu xariir jaceyl ah ka dhaxeeyo Ranbir Kapoor Iyo Alia Bhatt kuwaaso xalay banaanka soo dhigayn wax walba Iyagoo xitaa awoodi waayeen inay in yar kala fogaadaan iyagoo xill8 walba gacmaha is-haystayn