Hadaladii Bahdilka Ahaa Iyo Kuwii Khalafsanaa Ay Ku Hadleen Xidigaha Bollywoodka Laga Soo Bilaawo Salman Ilaa Sonam (+Sawiro)

Arimo badan oo sanadkaan la arkay sido kalena dhaceen ayaan aragnay balse maqaalkan waxaan kaga hadli doona xidigaha caanka ah oo xiliyo kala duwan sanadkaan 2018 muran iyo dood dhexda ka galeen kadib hadalo aan wanaagsanen oo ay ku hadleen halkaan hoose kaga bogo.

Amitabh Bachchaan: intii lagu guda jiray xayeysiinta filmka Thugs of Hindostan Bachchan waxaa laga codsaday inuu ka hadlo dagaalka ka dhaxeyay Tanushra Dutta iyo Nana Patekar waxuuna ku jawaabay,”aniga Tanushra la ima dhaho sido kalena Nana ma ahi.”

Naseeruddin Shah: xili uu ka hadlaayey sharciga iyo amaanka dalka India waxuu si aan gambasho laheen ku cambaareyay amaanka India isagoo sheegay in uu ka walwalsanyahay caruurtisa in ay nabadgalyo heesan amaan sugana leheen.

Preity Zinta: waxa la weydiyay in mar uun nolosheeda faraxumeen ama anshax xumo lagula kacay waxay sheegtay in aysan waliged la kulmin balse rabi laheed inee la kulanto kadiban jawaab ayaan u ahaya ayee tiri hadii ay la kulmi lahed arinkaas hadalkaan khalafsan gadaal dambe ayee ka cudur daaratay oo ay raali gareen baixisay.

Sonu Nigam: Fanaankan caanaka waxuu wareysi ku sheegay sanadkaan inuu jeclaan lahaa Pakistan inuu kasoo jeedo dood badan ayuuna hadalkaan dhaliyay.

Shakti Kapoor: jilaagan kiiska Tanushra iyo Nana ayaa wax laga weydiyay sanadkaan waxuuna ku jawaabay hadal khalafsan isagoo yiri,”arinkaan 10 sano kahor ayee ahed xiligaasna aniga ciyaal ayaan ahaa oo nac naca cunaayo.”

Salman Khan: jilaagan Priyanka Chopra ayuu dhulka la galay sanadkaan markii ay Bharat isaga baxeysay waxuu yiri oo muran badan dhaliyay hadalkaan laga diiwaan galiyay,”Priyanka go’aanka deg dega ay gaartay danta ku kaliftay arin yar ma aha sababto ah la shaqeynteyda ayee u dhimaneysa waxay kun jeer soo wacday Arpita Khan si Bharat boos looga siiyo.”

“Xitaa sidaas kuma aamusin Ali Abbas oo ay isku wanaagsanaayen ayee soo wacday oo ay ka codsatay in atirisho looga dhigo Bharat dalabkeeda waan soo dhaweynay iyo sida gaarka ay Arpita ula hadashay balse danta ku kaliftay ma garan karo inee si deg deg kaga baxdo Bharat iyadoo wado dhib badan usoo martay inee Bharat soo gasho.”

Sonam Kapoor: atirishadan waxaa wax laga weydiyay inee ka hadasho fikirka Kangana ay ka dhiibatay barnaamijka Me Too Movement waxay tiri iyadoo Kangana duqeyneysa,”Kangana ma ahan shaqsi la fahmi karo hadal ayee si usheegeysa si kale ayee hadana ku tilmaameysa isla hadalkaas markaa waa qof dood badan hadana la fahmi karin hadalkeeda.”

Swara Bhaskar: waa qofka kaliya ee Bollywoodka katirsan sanadkaan hadalo badan iyo dhaqan khalafsan laga diiwaan galiyay barnaamijka Me Too ayee dhowr jeer hadalo layaab leh ka tiri sido kale muuqaalkeda Veere Di Wedding hadal heyn ayuu dhaliyay balse hadalkeda ugu yaabka badnaa waxay kudurta Bhansali iyo Deepika.

Waxay tiri iyadoo Padmaavat ka hadleysa,”markaan Padmaavat daawaday waxaan dareemay in Bhansali iyo Deepik xooga saareen sidii loo bad baadin lahaa xubinta taranka dumarka kaliya balse waxay ilaaween in dumarka karti ay ku dagaalaman leeyihin” (waxay ka hadleysa muuqaalka dhamaadka Deepika iyo dumarka dabka isku gurayaan si ay jirkoda tuugadana oga bad baadiyaan intii ay is dili lahaayen oo ay xubintooda taranka bad baadin lahaayen mey dagaalaman ayee leedahay xidigtaan waana meesha Padmaavat ay ka dhaliishay).

Dhamaad..

Akhriste qodobada sare kuxusan midkee kaa yaabiyay maadama dhamaan hadalada xidigahan sare kuxusan sanadkaan hadal heyn weyn abuureen…

 

 

 

1 Comment

Comments are closed.