Hambalyo Director Rohit Shetty: Filimka Simmba Oo Noqday  Director Rohit Shetty Flimkiisa 7aad Ee 100 Crore Ka Soo Xareeyo Boxoffice India

Simmba wuxuu siweyn kaga faa’iideestay fasixii sanadka cusub sidoo kalena sare u kac 20% ayuu sameeyay marka lala bar bar dhigo Isniintii ganacsiga uu sameeyay taasi oo ka dhigan mashruucaan in wadarta guud mudo shan maalmood ah uu soo xareeyay 122 Crore (Trade Figure)

simmba kaliya kuma faa’idin karan johar oo soo saare ka ah mashruucaas iyo hogaamiyaha filimkaas ninkalagu magacaabo ranveer singh sidoo kale waxaa rikoor taariikhi ah ku sameeyay director rohit shetty ka aan la buun-buunin laakiin dadka si weyn u madadaaliya

filimkan  inuu gaaro darajada 100 crore rohit shetty waxa ay kaga dhigan tahay inuu sameeyay 7 filim kuwaaso 100 crore kasoo xareeyeen boxx office india waana rikoor weyn kaaso ku timaaday shaqada adag ee Director-Kan

laakiin waxaa cajiib ah 7 filim ee Director-Kan in 4 sadex filim ka mid ah uu hogaamiye ka yahay aktarka ajay devgan halka shah rukh khan uu liiskan uu ku leeyahay labo filim

Haddabe Aan Eegno liiska 7 filim iyo natiijada ay gaareyn 

1. golmaal again – 205.50 Crore  – blockbuster

2. dilwale –  139.97 Crore  – semi hit

3. singham returns  – 140 crore  – super hit

4. chennai express  – 207.69 crore – blockbuster

 

5. bol bachchan  – 100 crore  – hit

6. golmaal 3 – 108 crore  – hit

7. simmba – 122 crore – (weli tiyaatarada ayuu saaran yahay )